4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2010
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo sheegay in Dowladdu ay ogoshahay inay wada hadal la gasho kooxaha ka soo horjeeda

Arbaco, Mar 03, 2010 (HOL) Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Sheekh Daahir Max'ud Geelle oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa kulammo la qaatay Jaaliyadda ku nool Gobolka Minnesota ee dalkaas, wuxuuna ka hadlay xaaladda uu dalku marayo.

Wasiirka ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay inay la hadasho kooxaha kasoo horjeeda oo uu sheegay inay u dagaalamaan dad shisheeye ah oo diidan jirtaankooda, wuxuuse sheegay inay dowladdu doonayso wada hadal.

"Inkastoo kooxaha naga soo horjeeda aysan doonaynay inay nabad qaataan inaga waxaan mar walba ku baaqaynaa inay soo fariistaan miiska oo ay sheegaan waxay doonayaan" ayuu yiri Sheekh Daahir Max'ud Geelle.

Hadallada Wasiirka ayaa u badnaa kuwo uu kaga jawaabayay su'aalo ay weydiiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee uu kula kulmay Gobolka Minnesota oo lagu tilmaamo inuu yahay gobolka ay dalka Mareykanka ka daggan yihiin Soomaalida ugu badan.

"Dowladda aan wasiirka ka ahay waxaa hortaagan caqabado baan, waxaana ugu weyn dagaallada ay wadaan kooxaha kasoo horjeeda, kamana quusanayno inaan dalka nabad kusoo celino" ayuu yiri wasiirka oo sheegay in khilaafka dalka ka taagan uu yahay Kursiga Madaxweynenimo.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladdiisu ay ogoshahay inay ka kacdo kursiga la isku haysto haddii uu dalku ku helayo nabad, balse marka hore waa in la-wada hadlo cid walbana ay sheegato waxa ay doonayso.

Jaamacadda Minnesota oo uu ka dhacay kulanka ayaa waxaa ku sugnaa ku xigeenka kaaliyaha arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka Mr. Yamamoto oo sheegay in dalkiisu uu ka shaqeynayo nabad ka dhalata Soomaaliya.

Wasiirka Wafaafinta iyo wafdigiisa oo muddo ku sugan dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa inay booqdaan maanta Gobolka Ohio Columbus ee dalkaas halkaasoo ay kula kulmi doonaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee daggan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya