4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2010
Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca oo ku wargaliyay Suxufiyiinta ka howlgasha Goballka Galgaduud in ay isa soo diiwaangaliyaan
Talaado, Feb, 3, 2010 (HOL) Maamulka Culma'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ee gacanta ku haya Goballka Galgaduud ayaa markii ugu horeesay waxaa amar ku siiyeen Suxufiyiinta ka howl-gasha Goballka in ay isa soo diiwaan galiyaan.
 
Afhayeenka Maamulka Culimada Ahlu Sunna Waljameeca Shiikh C/llaahi C/raxmaan Abuu Yuusuf Al-qaadi ayaa sheeca ka qaaday in laga doonayo Wariyayaasha ka howl-gala Goballka Galgaduud in ay isu soo diiwaan galiyaan mudo Sadax Cisho, simarkaa ayuu yiri loola socdo howlaha Saxaafada ee ka jirra Goballka islamarkaana xiriir joogta ah u yeeshaan Wariyayaasha iyo Maamulka ka jirra Goballka Galgaduud.
 
Waxaana uu intaa ku daray  Afhayeenku in talaabo laga qaadi doono Wariyihiin ka dib dhaca Waqtiga loo qabtay in la isa soo diiwaan galiyo, kaa oo marka dhinca laga eego ah waqti aad u kooban islamarkaana ay adag tahay in lagu diiwaan galiyo dhamaan Suxufiyiinta ka shaqeysa Goballka Galgaduud.
 
Wariye jooga Degmada Caabud-waaq ee Goballka Galgaduud ayaa u sheegay HOL in u jeetada ka danbeysa amarka soo baxay Maamulka Ahlu Sunna tahay sidii loola la socon lahaa dhaq dhaqaaqa Suxufiyiinta iyo wararka ka baxaya Goballka ee ku aadan Siyaasada Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.
 
Lama oga Maamulku sida uu ka yeeli doono haddii aysan Wariyayaashu isku soo diiwaan galin waqtiga kooban ee loo qabtay marka laga reebo in talaabada uu Afhayeenku sheegay in uu ka qaadayo Suxufigii ka dib dhaca waqtiga sadaxda Cisho ah.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]