12/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 8 , 2010
Imtixaan Sannadeedkii 2009 - 2010 ee Jaamacadda Muqdisho oo lasoo gabagabeeyay (DAAWO SAWIRRO)


Talaado, June 08, 2010 (HOL) − Waxaa shalay oo Isniin ahayd lasoo gabgabeeyay Imtixaanaadkii u socday Ardayda wax ka barta Jaamacadda Muqdisho qaybaheeda kala duwan ee Banaadir iyo Boosaaso.

Ardayda Imtixaanaadkan loosoo gabgabeeyay ayaa waxay dhiganayeen Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Muqdisho waxayna Imtixaanaadku isugu jireen kuwii ugu dambeeyay iyo kuwa Simisterka labaad ee Jaamacadda.

Wuxuu Imtixaankan socday 10-maalmood, iyadoo madaxa qaybga Imtixaanaadka ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Maxamed Xasan Nuur uu sheegay in Imtixaankan uu ahaa sannad waxbarashadeedka 2009 - 2010, isagoo xusay inay ku dhamaatay si guul ah.

Dufcada dhameysatay waxbarashada Jaamacadda Muqdisho ayaa waxay noqonaysaa tii 10-aad ee ka baxda tan iyo markii dhidibbada loo taagay Jaamacadda oo ka mid ah Jaamacadihii ugu horreeyay ee dalka ka hana-qaada.

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar ayaa u diray hambalyo ardayda Jaamacadda ee dhameystay Imtixaanaadkooda, isagoo u rajeeyay inay helaan natiijooyin fiican ayna dalkooda iyo dadkooda wax ugu taraan wixii ay barteen.

Imtixaanadkan ayaa waxay ka kala dhaceen Magaalada Muqdisho ee Xarunta dalka Soomaaliya iyo Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari oo ka tirsan Puntland, iyadoo Jaamacadda Muqdisho ay tahay midda ugu weyn ee wax laga barto dalka Soomaaliya.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya