10/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 6 , 2010
17 wadan oo ay Soomaali ku jirto oo xusay 50guuradii xornimadooda (Daawa Sawirada)

Isniin, December 06, 2010 (HOL) - Magaalada Abuja ee dalka Nigeria ayaa lagu qabtay 50tan guuradii ka soo wareegtay markii ay xornimada qaateen 17 wadan oo ka tirsan qaaradda Afrika.

Xafladdaan oo ay ilsa soo qabanqaabiyeen dowladda dalka Nigeria iyo midowga baarlamaanka Afrika ayaa waxaa ka soo qaybgalay madax sare iyo xildhibaano ka kala socda qaaradda Afrika.

Xildhibaan Ibrahim Xabiib oo matalayey dowladda Soomaaliya kana tirsan midowga baarlamaanka Afrika ayaa ka qayb galay munaasabadaas. Xildhibaan xabiib ayaa xasuusiyry dowladda Nigeria in ay oofiso ballantii ay qaaday oo ahaa in ay ciidamo nabad ilaalin u soo dirito dalka Soomaaliya.

 Wax yaabihii halkaas lagu soo bandhigay ayaa ka mid ahaa Doolsho (Cake) si wanaagsan loogu soo sawiray calamada 17ka wadan ee xornimada qaatay sannadkii 1960.

 Ujeeddada munaasabaddan ayaa ahayd in la muujiyo muhimadda ay leedahay muddadaan 50guurada ah iyo in rajo weyn laga muujiyo sidii qaaradda Afrika loogu soo dabaali lahaa nidaamka dimoqaraadiyadda iyo ko hor-tagga musuq-maasuqa.