10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 5 , 2010
Aqoon-isweydaarsi lagu horumarinayo cilmi baaris beeraha Soomaliya oo lagu qabtay Nairobi

Axad, December 05, 2010 (HOL) - Aqoon-isweydaarsi ku saabsan sidii teknoolajiyadda cusub iyo aqoonta  beeraha loogu gudbin lahaa beeraaleyda Soomaaliyeed  ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ICRAF ee xaafadda Gigiri ee magaalada Nairobi 29 ila 30 bisha  November 2010.

Aqoon-isweydaarsiga oo ay soo qabanqaabisay ha’yadda Somali Agricultural Technical Group (SATG) ayaa waxa kala qayb qaatay hay’ado kale oo ka kala socda Consultative Group for International Agriculture Research (CGIAR),  International Fund for Agricultural Development (IFAD) iyo Midowga Yurub.
 

Ujeedada aqoon-isweydaarsigan ayaa ahaa:

a)      In la ogaado xaaladda ay ku suganyihiin beeraleeyada iyo beeraha Soomaaliya

b)      In la cayimo qodobadda muhiimka u ah beeraha Soomaaliya ayada oo si dhab ah looga doodayo dhibaatada iyo faa’iduuyinka horyaal beeraha Soomaalia

c)      In la soo saaro qaab sahlan oo ay hay’adda SATG iyo hay’adda ay wadashaqeynta ka dhexeyso ay u hirgalin lahaayeen aqoonta iyo baaritaanka la xiriira horumarinta beeraha Soomaaliya


 

 

Agaasimaha hay’adda SATG Dr. Xuseen Xaaji Macow ayaa halkaas ka soo jeediyey warbixin ku saabsan marxalooyingka kala duwan ee uu soo mareen cilmi barista beeraha Soomaaliya isaga oo xusay in heer sare laga gaaray baaritaank iyo horumarinta abuurka dalka Soomaaliya, laakin uu horumarkaas hakad dheer ku yimid ka dib markii ay burburty dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya ayuu yiri Dr. Xuseen. Wuxuu kaloo ka hadley dhadhaqaaqii loo yiqiiney Green Revolution oo ka dhacey Asia horaantii 1960 iyo sidii loo cirib tirey gaajada iyo macluusha iyadoo la adeegsanaayo technologiya cusub sida isticmaalo abuur fiican, nafaqada dhulka iyo qlabka beeraha. Waxaa goor dhow ka bilaabatey Africa dhaqdhaqaaq loo yahaaqaab Alliance for African Green Revolution oo ay ujeedadeedu tahay sidii loo cirib tiri lahaa gaajada ku baahan Africa. Waxaa muhiim ah in tartankaa ciribtirka gaajada sii xoog leh looga qeyb gelo.

 

 

Dr. Xuseen Xaaji ayaa xusay dhowr xaruumood oo lagu baarijirey laguna tijaabinjiray technolojiyada beeraha Soomaaliya, xaruumahaas oo soo saaray natiijooyin aad u wanaagsan oo ku aadan aqoonta tijaabada abuurka ee dalka Soomaaliya. Natiijooyinkaas wanaasan ayaa waxaa ka mid ahaa SOMTUX MAIZE oo ahayd tijaabo horay loogu marinayey abuurka GALEYDA. Sidoo kale waxaa abuurka loo yaqaano FILSAN MUNG BEAN ayaa sannadihii 1982-1990 guul-weyn laga soo hooyey wuxuuna noqday salbokoda ugu wax soo saarka badan. SATG waxay dib ugu soo celisey wadanka abuurka Filsan ayadoo adeegsaneyso NGO maxalli ah. Aqoonta horey u jirtey waxaa ka mid ah ogaanshaha miniralka loo yaqaano Phosphorous in ay ku yertahay ciida Somalia gaar ahaan gobolka Bay oo aad loogu beerto mesagada. 

 

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadashay Kate Longley oo ka tirsan uruka SATA una shaqeysa hayadda loo yaqaano ICRISAT iyadoo ka warbixisay aqoon-isweydaarsigii ay hay’adda SATG ku qabatay magaalada Hargeysa. Mr. Sergio Innocente oo ka socday hay’adda FAO ayaa isna ka warbixiyey mashruuc ay hay’adda FAO ka wado gudaha Soomaaliya.

 

Shirkaa aqoon is weydaarsiga waxaa ka soo qeyb geley in ka badan 60 hayadood oo isugu jiraan hayado caalami iyo maxalli ah. Waxaa shirkaa ka soo baxey go’aamo dhexal gel ah oo ku aadan horumarka beeraha Somalia. Warbixin dheeri oo ku saabsan shiraka waxaad ka heli kartaan www.satg.org

 

Xafiiska Wararka ee Hiiraan Online
Nairobi, Kenya