10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 30, 2010
Madaxweynaha Maamulka Hiiraan State oo sheegay in colaado iyo abaaro ay ku dhufteen gobolka Hiiraan


Khamiis, 30 December, 2010 (HOL) − Madaxweynaha maamul-goboleedka Hiiraan State ee bartamaha Soomaaliya Maxamuud Cabdi Gaab, oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in deegaannada uu maamulkiisu ka taliyo ay ka jiraan abaaro iyo colaado dhibaato badan u geystay dadka deegaannadaas ku nool.

"Gobollada Hiiraan State, waxaa ka jirta abaaro sababay inay dad iyo xoolo fara badan u dhintaan, waxaase taas u dheer colaad aan dhammaad lahayn, waayo abaarta way la qabaan dadka kale ee gobollada Soomaaliya ku nool," ayuu yiri Md. Gaab.

Madaxweynaha Hiiraan State, ayaa ku eedeeyay Xarrakatul Shabaab oo ka talisa gobolka Hiiraan inay horistaagaan gaadiidka biyaha u dhaamiya dadka ku nool deegaannada ay abaaruhu ku dhufteen iyo hay'adihii gargaarka siin lahaa.

Sidoo kale, Maxamuud Cabdi Gaab wuxuu sheegay in maamulkiisa uu duullaan ku yahay gobolka Hiiraan iyo gobollada kale ay ka taliyaan, si ay ula wareegaan gacan ku hayntooda, kuwaasoo ay haatan ka taliso Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

"Waxaan, duullaan ku nahay gobollada uu maamulka Hiiraan State ka taliyo, si aan uga saarno xoogagga Xarrakatul Shabaab, waxaana dadka gobolka ka codsanaynaa inay gacan nagu siiyaan dagaalkaas," ayuu madaxweynaha Hiiraan State ku yiri shirkiisa jaraa'id.

Gobolka Hiiraan oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya, ayaa waxaa gacanta ku haysa Xarrakatul Shabaab, iyadoo deegaanno ka tisan gobolkaasna ay ku sugan yihiin ciidammo kala taabacsan dowladda KMG, ahlusunna iyo maamul la magacbaxay Dooxad Shabeelle, kuwaasoo dhammaantood dagaal kula jira Xarrakatul Shabaab.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya