10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 3 , 2010
Arday ka qalin-jabisay machadka SIGMA ee magalada Beledweyne oo shahaado la gudoonsiiyay (SAWIRRO)


Jimco, 3, Dec, 2010 (HOL)  Munaasabad siweyn loo soo agaasimay ayana ka soo qeyb-galeen Macalimiinta dugsiyada magaalada Beledweyne, Aqoonyahano, Ganacsato, Waalidiin, Ardey, iyo waxgarad kale taasoo lagu gudoonsiinayay shahaado arday ka qalin Jabisay Koorso lagu baranayay ''Statistics'' ayaa lagu qabtay gudaha machadka oo ku yaala magaalada Beledweyne.

Dhamaan dhinacyadii ka hadllay munaasabada ayaa siweyn uga mahadceliyay machadka SIGMA iyo maamulkiisaba dadaalka ay ugu jiraan sidii ay Ardeyda goballka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne uga dhisi lahaayeen qeybaha cilmiga, iyaga oo intaa ku darray in furitaanka machadkan uu ahaa guul waxbarasho oo u soo hooyatay bulshada ku dhaqan guud ahaan goballka Hiiraan.

C/llaahi Yuusuf Gaab oo ka mid ah Aqoonyanahada goballka Hiiraan ayaa ugu baaqay dadka ku dhaqan goballka gaar ahaan Waalidiinta in ay umadkooda uga faa'ideeyaan waxbarashada ka socta machadka SIGMA oo sida uu sheegay ah mid siweyn loogu baahi qabay.

Dadkii ka soo qeyb-galay munaasabada ayaa waxaa siweyn u soo jiitay hadal uu halkaa ka jeediyay Ardey ku hadllayay magaca Ardeyda wax ka barta dugsiga oo lagu magacaabo Xassan Kheyraad kaasoo sheegay in isaga iyo caruurtiisaba ay wax ka bartaan machadka, isaga oo ku booriyay dadka kale in waxbarashudu aysan laheyn cimri looga baxo.

Ugu danbeytii waxaa halkaa ka hadllay maamulaha guud ee machadka C/naasir C/llaahi Max'ed ayaa sheegay in ujeetada loo aas aasay machadka yahay oo kaliya in Ardeyda goballka iyo guud ahaan bulshada uu ka dhiso qeybaha ay is leeyihiin waxaa u baahan yihiin loogafaa'ideeyo, waxaana uu u mahad celiyay dhamaan dadkii gacanta ka  geystay furitaanka machadka SIGMA.

Intaa kadib waxaa la guda galay bixinta Shahaadooyinkii loogu talagalay in la siiyo Ardeyda qalin jabisay, iyada oo uu halkaa ku gudoonsiiyay Ustaad Axmed Dhaqane Cali oo ka mid ah aas aasayaasha waxbarashada goballka Hiiraan xiligan bur burka lagu jiro, maamulena ka ah mid ka mid ah dugsiyada sare ee magaalada, waxaana halkaa Shaqaado lagu gudoonsiiyay ilaa 14 Ardey.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne.Soomaaliya