10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 26, 2010
CIYAARAHA GOBOLLADA: Banaadir Vs Hiiraan iyo Mudug Vs Nugaal (SAWIRRO)


Axad, 26, Dec, 2010 (HOL)- Wareega Semi Final-ka.ee koobka gobollada Soomaaliya ayaa galabta waxaa u soo gudbay labadii kooxood ee ugu horeeyay, kuwaasi oo kala ah Nugaal iyo Banaadir.

Kooxaha maanta kulmay ayaa kala ahaa Nugaal Vs Mudug iyo Banaadir Vs Hiiraan,waxaana kooxuhu ay muujiyeen fir fircooni aad u badan oo la xiriirta ciyaarihii galabta.

Ciyaartii ugu horaysay ayaa dhexmartay xulalka Nugaal Vs Mudug oo labaduba soo bandhigay ciyaaro aad u wanaagsan ,hase ahaatee gari laba nin kama wada qosliso,waxaana ciyaartaa ay ku soo dhamaatay Nugaal 2-1 Mudug oo halkaa waxaa ku haray Mudug.

Kulankii kale ee xiisaha badnaa ayaa dhexmaray gobollada Banaadir iyo Hiiraan oo loo arkayay in ay yihiin labada kooxood ee ugu adag Groupkii ay kuwada jireen.

Xulka gobolka Hiiraan uma aysan suurtagalin rajadoodi la xiriirtay in ay yimaadaan Semi Final-ka oo ay ku wada kulmi lahaayeen kooxaha uga adag koobka

Waxa ciyaarta ay ku soo gaba gabowday Banaadir 2- 1 Hiiraan natiijo la mid ah ciyaartii ka horaysay ,waxaana ciyaaraha bari dhici doonaa isku arki doonaa kooxaha kala ah Bari Vs Baay iyo Shabeellaha Dhexe Vs Jubadda Hoose.




Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya