4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 25, 2010
Ciyaaraha Gobolada: Baay Vs Galgaduud iyo Sanaag Vs Jubadda Hoose (SAWIRRO)

Sabti, 25 December, 2010 (HOL) − Ciyaaraha galabta dhacay ayaa lagu tilmaami karaa in ay ahayeen kuwa ka duwan kulamadii horay usoo dhacay ee koobka gobollada kana soconaya magaalada Garowe.

Kooxaha kulmay ayaa kala ahaa Baay Vs Galgaduud iyo Sanaag Vs Jubadda Hoose ,waxaana ciyaarihii ay ciyaareen maanta lagu macsalaameeyay wajigii hore ee koobka,iyadoo labo kooxood ay maanta u soo talaabeen wareega 8-aad.

Ciyaartii ugu horaysay ayaa dhexmartay gobollada Baay iyo Galgaduud ,waxaana ciyaartaa ay ahayd mid labada kooxoodba ay muujiyeen dadaal aad u badan ,hase ahaate waxaa Group-ka ku haray Galgaduud.
Gobolka Baay ayaa sedex iyo waxba uga badiyay gobolka Galgaduud ,taasi oo u xaqiijisay in ay helaan 6 dhibcood oo ka dhigan in ay la mid noqdeen gobollada koobka ku wada haray.

Kulankii kale ayaa ahaa mid dhexmaray xulalka Sanaag iyo Jubadda Hoose ,waxaana ciyaartaa ay ahayd mid aad u xiiso badan oo lagu muujiyay ciyaaro wanaagsan ,balse waxa ay ku soo dhamaatay
Jubbadada Hoose 3 - 1Sanaag

Xulalka u soo gudbay wareega 8-aad ee tartanka ayaa kala ah:Banaadir,Nugaal ,Mudug ,Shabeellaha Dhexe,Hiiraan,Bari , Jubadda Hoose ,iyo Baay,waxaana halkaa lagu macsalaamayay todobo kooxood oo ku jiray Group-yadii koobka ka qayb galayay bacdamaa ay dhibco wanaagsan ay la imaan waayeen.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Soomaaliya