4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 25, 2010
Xildhibaanad dhaliishay mushaaraadka ciidammada DKMG ah ee ku xusan Miisaaniyadda xukuumadda

Sabti, 25 December, 2010 (HOL) − Xildhibaanad Saynab Maxamed Caamir oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dhaliishay mushaaraadka loo qoondeeyay askarta dowladda Soomaaliya ee ku xusan miisaaniyadda sannadeedka 2011, oo loo gudbiyay baarlamaanka Khamiistii si ay u ansixiyaan.

"Miisaaniyadda 2011, waxaa lagu sheegay in askari walba oo ka tirsan ciidammada DKMG ah uu qaadanayo 160-dollar, waa mid aanay ciidammadu u qalmin, waxaana soo jeedinayaa in loo kordhiyo mushaarka ciidanka," ayay tiri xildhibaanad Caamir.

Khamiistii lasoo dhaafay, ayaa loo qaybiyay xildibaannada baarlamaanka qoraalka miisaaniyad sannadeedka dowladda Soomaaliya ee sannadka soo scda 2011, taasoo gaaraysa 100-milyan oo doollar, waxaana lagu wadaa inay maalinta Isniinta ah ee soo socota ay xildhibaannadu codka u qaadaan miisaaniyadda.

"Ciidammadu, waxay xaq u leeyihiin in mushaar looga dhigo saddex meelood hal meel dhaqaalaha ay xukuumaddu hesho," ayay Saynab Caamir soo jeedisay, iyadoo ugu baaqday dowladda inay dib u soo saxdo miisaaniyadda mar kalena lagu soo celiyo baarlamaanka.

Xildhibaannada oo u warramaysay Idaacadda Simba ee Muqdisho, ayaa aragtideedu waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo mudanaaasha baarlamaanku ka bixiyaan miisaaniyadda dowladda, iyadoo xildhibaannaddu ay sheegtay in mushaarka askata uu yahay mid ay aad ula yaabtay markii ay akhriday qoraalka miisaaniyadda.

Dowladda Soomaaliya, ayaa horay u sheegtay miisaaniyadda ay soo gudbisay inay tahay mid inteeda badan ay wax uga qabanayso ammaan-darrada jirta, ayna u adeegsanayso inay kula wareegto dalka oo dhan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya