4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 25, 2010
Qeylo-dhaan ku aaddan Abaaraha oo kasoo Yeereysa Odayaasha iyo Waxgaradka ku Dhaqan Jubbooyinka

Sabti, 25 December, 2010 (HOL) − Qaar kamid ah odoyaasha dhaqan iyo dadka xoolo dhaqatada ee gobollada Jubooyinka ayaa soo jeediyay qeylo dhaan ku aadan abaaraha ba’an eek u dhuftay gobollada jubooyinka kuwaas oo saameeyey nolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan gobollada Jubooyinka.

C/laahi Ashkee oo kamid ah odoyaal dhaqameedyada degmada Bu’aale ee gobolka J/dhexe oo HOL u waramayay ayaa sheegay in abaarta ka jirta gobollada jubooyinka ay gaartay heerkii ugu sareeyay, iyadoona ay xooluhu bilaabeen in ay u le’daan oonka iyo naq la’aanta ka jirta gobollada Jubooyinka.

 

“Abaar waa la arki jiray laakiin tan camal weligeed lama arag,” ayaa kamid ahaa hadaladii C/laahi ashkee oo ka warbixinayay xaaladda abaaraha ka jira gobollada Jubooyinka.

 

Xoolaleyda ayaa soo beegsanaya deegaanada uu maro webiga jubba si ay naftooda iyo xoolahooda ugu helaan biyo, kadib markii ay gureen warihii ay biyaha ka cabi jireen, waxaana jira qoysas badan oo xoolahoodii ku waayay abaarta jirta awgeed

 

Miir Yuusuf  Kilaas oo kamid ahaa guddigii gurmadka abaaraha oo kormeer kusoo maray deegaanada iyo degmooyinka ay saameyeen abaaraha ee gobollada jubooyinka ayaa HOL u xaqiijiyay in deegaanadii ay kormeerka kusoo mareen ay kusoo arkeen xaalad biniaadanimo oo aad u liidato, isagoona sheegay in loo baahanyahay in dadkaasi gurmad deg deg ah la gaarsiiyo.

 

Miir ayaa sheegay in nawaaxiga degmada Saakow ay kula kulmeen Oday, kaasoo u sheegay in uu kasoo tagay Sideed caruur ah iyo 10 Neef oo lo’ ah, waxaana uu sheegayi in markii ay raaceen odaygii ay soo arkeen sideedii caruur oo oon iyo gaajo isdul saran iyo 10 neef oo lo’ ah oo aad u liita  oo awoodi waayay in ay socdaan.

 

Odoyaasha iyo waxgaradka ku dhaqan jubooyinka ayaa ugu baaqay maamulka gobollada Jubooyinka, ganacsatada iyo guud ahaanba umadda Soomaaliyeed in ay gaargaar deg deg ah lasoo gaaraan dadka ku dhibaateysan gobollada Jubooyinka.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya