4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 25, 2010
Dagaal culus oo waqooyiga Muqdisho ku dhexmaray ciidamada Dowladda, AMSIOM iyo Xarrakatul Shabaab

Sabti, 25 December, 2010 (HOL) − Ugu yaraan shan qof oo ay ka mid yihiin ciidankii dagaalamay, ayaa ku dhintay dagaal saakay aroortii hore ku dhexmaray degmada Boondheere dowladda oo taageero ka helaya AMISOM iyo xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Dagaalka, oo ku billlowday weerar ay Xarrakatul Shabaab ku qaaday saldhigyo ay degmadaas kaga sugnaayeen ciidammada dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa ku dhaawacmay in ka badan lix qof oo dhamaantood shacab ahaa.

"Saakay, waxaan ku kacnay hugunka madaafiicda iyo rasaasta yaryar oo aad u dhacaysa, xaaladdu waxay ahayd mid khatar ku daah-furantay, markii uu dagaalku qaboobay, waxaan arkay maydka qof ka mid ahaa dadkii ilaashanayay guryahooda," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Boondheere.

Warar kale oo ay HOL, ka heshay ilo ku dhow dagaalka ayaa sheegaya in afar ka mid ah dhinacyadii dagaaamay ay ku dhinteen dagaalka, ayna jiraan dhaawacyo kale, inkastoo aan tiradoodooda la ogeyn.

Madaafiic, laga tuuray saldhigyada AMISOM ee waqooyiga Muqdisho, ayaa la xusay inay ku dhaceen degmooyin ay ka mid tahay Kaaraan, kuwaasoo geysteen inta la ogyahay dhaawacyada lix qof oo shacab ah.

Dagaalkan, ayaa daba socday dagaallo toddobaadyadii ugu dambeeyay ka dhacayay waqooyiga Muqdisho, kuwaasoo u dhexeeyay xoogagga midoobay ee Xarrakatul Shabaab iyo ciidammada dowladda oo taageero ka helaya AMISOM. Iyadoo aanay ka hadlin dhinacyadan dagaalkii saakay dhexmaray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya