4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 25, 2010
Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in AMISOM ay kala hadashay madaafiicda lagu garaaco Muqdisho

Sabti, 25 December, 2010 (HOL) − Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegtay inay kala hadashay ciidammada AMISOM, madaafiicda ay dadka badan waxyeelladu kasoo gaarto oo lagu garaaacyo degmooyinka gobolka Banaadir.

"Muddo dheer, ay dowladda Soomaaliya wadday qorshe ku saabsan in la yareeyo khasaaraha dadka shacabka kasoo gaaraya duqeymaha iyo dagaallada ka dhacaya Muqdisho, waxaana kala hadalnay ciidammada AMISOM inaysan madaafiic ku garaacin degmooyinka gobolka Banaadir," ayuu yiri wasiirka wafaafinta, boosatada iyo isgaarsiinta DKMG ah C/kariim Xasan Jaamac oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho.

Wasiirku, ayaa ku eedeeyay xoogagga hubeysan ee dagaalka kula jira inay mararka qaarkood madaafiic ku garaacaan goobaha ay shacabku daggan yihiin, si ay dadka ugu sheegaan inay dowladda iyo AMISOM ficilkaas sameeyeen, balse ay iyagu taxadar sameynayaan.

Ciidammada dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa dagaallada ay kula jiraan Xarrakatul Shabaab ka taageera ciidammada AMISOM oo tiradoodu tahay 8,000-askar, oo lagu eedeeyo inay madaafiic culus ku garaacaan Muqdisho oo ay ka howlgalaan, kuwaas oo dhaliya dhimasho iyo dhaawac fara badan oo gaarta shacabka ku harsan Muqdisho.

Saraakiisha AMISOM, ayaa inta badan iska fogeeya eedaha ku aaddan inay duqeyn u geystaan goobaha ay shacabku ku badan yihiin sida suuqa Bakaaraha, waxayna ku tilmaamaan hadalladaas kuwo dacaayad ah oo laga faafinayo ciidankooda.

Dhanka kale, wasiirka warfaafinta Soomaaliya, wuxuu ka hadlay heshiis ay DKMG ah la gashay shirkadda Saracen International, isagoo sheegay in heshiiskaas uu jiro, dhawaanna ay tababar u furi doonto ciidammada ammaanka dowladda Soomaaliya iyo ilaalada gaarka ah ee madaxda dowladda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya