4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 25, 2010
Dowladda Shiinaha oo malaayiin Dollaar ku taageertay howlgalka Midowga Afrika uu ka wado Soomaaliya

Sabti, 25 December, 2010 (HOL) − Dowladda Shiinaha, ayaa 4-milyan doollar ku taageertay howlgalka ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana heshiiskan shalay oo Jimco ahayd uu ka dhacay xarunta Midowga Afrika ay ku leedahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Ururka Midowga Afrika, ayaa waxaa heshiiskan u saxiixay guddoomiyaha golaha ammaanka iyo nabadgalyada Ramtane Lamamra, iyadoo dhinaca dalka Shiinaha uu u saxiixay danjiraha Shiinaha ee dalka Itoobiya Gu Xiaojie.

Lacagtan, ayaa waxaa loo adeegsan doonaan in qalab loogu iibiyo ciidammada AMISOM, sida ku cad heshiiska, waxaana uu imaanayaa iyadoo 22-kii bishan ay golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay isku raaceen in la kordhiyo ciidanka Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Qarammada Midoobay, ayaa sidoo kale ugu baaqday dalalka calaamka inay taageero siiyaan ciidammada AMISOM, kaddib markii xilliga ay ka howlgalayaan Soomaaliya la kordhiyay lagana dhigay tan iyo dhammaadka sannadka 2011.

"Xukuumadda Shiinaha, sannadihii ugu dambeeyay waxay taageero siinaysay dalalka Afrika, si ay u xalliyaan xaaladahooda, haatanna waxay billowday inay gacan ka geysato sidii nabadda iyo ammaanka Qaaradda looga shaqeyn lahaa," ayuu yiri Lamamra.

Ugu dambeyn, Lamamra, wuxuu ka codsaday dalalka Midowga Afrika inay gacan ka geystaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen kordhinta ciidammada AMISOM oo howlgalkoodu waji cusub galayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya