4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 25, 2010
Ruushka oo baaritaanno ku sameynaya filim muujinaya ciidankooda oo duqeynaya dooni burcadbadeed

Sabti, 25 December, 2010 (HOL) − Dowladda Ruushka, ayaa sheegtay Jimcihii shalay inay baaritaanno ku sameynayso filim saddex daqiiqo soconaya oo muujinaya ciidamada badda Ruushka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya oo madaafiic iyo rasaas la beegsaday dooni yar oo ay wateen kooxo la filay inay yihiin burcadbadeed Soomaaliyeed.

"Baarayaal milateri ah, ayaa billaabaya inay baaris rasmi ah ku sameeyaan filimka, oo muujinaya dhacdo naxdin leh, taasoo ah in ciidammo Ruush ah oo saaran markab dagaal oo lagu magacaabo Shaposhnikov, ay maadaafiic iyo rasaas ku fureen kuna dileen koox burcadbadeed Soomaaliyeed ah oo watay dooni yar," ayaa laga soo xigtay baarayaal saldhiggoodu yahay xarunta dalka Ruushka ee Mooskow.

Filimkan, ayaa muujinaya ciidammada badda Ruushka oo xiran dharkii ciidanka oo si toos ah u tooganaya dhowr qof oo saaran doonida yar, taasoo maraysay gacanka Cadan, waxaana sidoo kale filimka uu muujinayaa uuro xoog badan oo ka kacday doonida.

Taliyaha markabka dagaal ee la sheegay inuu rasaasta furay Vladimir Vysotsky, ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin filimka lagu soo bandhigay Internet-ka, uuna yahay mid been ah oo la sameeyay.

"Ciidankeennu ma jiro qof badda ku sugan oo ay toogteen, xitaa burcadbadeed, waa been aan run ahay, mana mudna in laga jawaabo," ayuu yiri Vladimir Vystosky oo la hadlay wakaaladda wararka ee Ruushka Itar-tas.

Waa markii labaad oo ciidammada Ruushka ee ka qaybta ka ah howlgalka la dagaalanka burcadbadeedda Soomaaliya lagu eedeeyo inay fal ka baxsan bani'aadamnimada kula kaceen burcadbadeedda Soomaalia.

Bishii May ee sannadkan, ayaa la sheegay in markab dagaal oo uu ruushku leeyahay uu kusii daayay badweynta Hindiya in ka badan 10-burcadbadeed oo Soomaali ah, isagoo ka reebtay sahaydii, taasina ay keentay inay badda weynta ku dhintaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya