4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 25, 2010
Hoos u dhac weyn oo laga dareemayo sicirka lagu kala iibsado xoolaha suuqyada magaalada Beledweyne
Sabti, 25 December, 2010 (HOL) Tan markii ay ku dhufteen qeybo badan oo ka mid ah goballka Hiiraan Abaarta isugu jirta biyo iyo baad la'aanta soo food saartay in badan xoolaha dhaqatada ayaa waxaa lagu arkayaa Seyladaha Xoolaha lagu kala iibsado ee magaalada Beledweyne, Xoolo isugu jira Ari, Lo, iyo Geel, qiimo ahaan  siweyn hoos uga dhacay intii markii hore lagu kala iibsan jiray.

Naafka Ariga ah oo markii hore lagu kala iibsan jiray magaalada Beledweyne lacag dhan ilaa $30 doolar oo u dhiganta ilaa 930,000 oo Sh, So, ayaa hadda ka maraya Suuqa wax ka yar $10 doolar oo u dhigta illaa 300,000 oo Sh, So, ah.
Waxaa sidaa oo kale hoos u dhac ku yimid qiimaha la kala siisto Lo, iyo Geel, sida ay HOL u sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada Xoolaha magaalada Beledweyne, oo intaa ku darray in iyada oo ay sidaa tahay aysan jirin cid u baahan waqtigan iibsaneysa.

''Sababta keentay marka hore qiima dhaca sidan u weyn waa neefkii oo aan laheyn wax hilib, islamarkaana qofka iibsada ay qasab ku tahay in guriga uu ku geeyo Gaari iyo wixii uu heli karo, waayo Naafku socodba magalo, ayuu yiri, Xaanshi Dheere oo ka mid ah ragga ka ganacsada Xoolaha magaalada Beledweyne.

Marka aad dhax istaagto Seyladaha lagu kala iibsado Xoolaha magaalada Beledweyne, waxaa kuu sawirmaya xadiga Abaarta jirta, iyada oo dhamaan xoolaha la keenayo suuqa yihiin kuwo Caato ah oo aan laheyn Cad lagu qaato.

''Marka marka qaar waxaa noo yimaada dad ka faa'ideysanaya qiimo yarida xoolaha oo inta ay dhowr Neef iibsadaan guryaha geysta,'' ayuu yiri Xaanshi Dheere oo intaa sii raaciyay in qofkii iska sii iibiyay Neefkana aysan waxba u goyneynin lacagta laga siiyay.

Marka laga soo tago hoos u dhaca ku yimid qiimaha Xoolaha magaalada Beledweyne, dhinaca waxaa sare u kacay qiimaha lagu kala iibsado Caanaha, maadaama ay iskaba yar yihiin xiliga Caanaha la heli karo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya