9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 20, 2010
CIYAARAHA GOBOLLADA: Bari Vs Bakool iyo Mudug Vs Gedo (SAWIRRO


Isniin, 20 December, 2010 (HOL) − Maanta waxaa la ciyaaray markii ugu horaysay wareegii labaad ee ciyaaraha gobollada dalka Soomaaliya ,kaasi oo ay ka qayb galayaan 15-kooxood oo ka socda gobollada kala duwan ee dalka.

 

Kooxaha maanta kulmay ayaa kala ahaa Mudug Vs Gedo (Group B) iyo Bari Vs Bakool (Group C) ,waxaana kooxaha maanta is arkay ay soo bandhigeen ciyaaro aad u wanaagsan oo aad looga wada helay.

 

Ciyaartii ugu horaysay waxa ay dhexmartay gobollada Mudug iyo Gedo ,taasi oo ahayd mid ay labada kooxoodba ku soo bandhigeen ciyaaro ka badalan kuwii horey ay u soo qaateen.

 

Natiijada ciyaarta ayaa ku dhamatay sida la filayay ,iyadoo ay ku soo gaba gabowday Mudug 1-0 Gedo ,inkastoo kooxda gobolka Gedo ay aad u dadaaleen,hadana uma suurtagalin in ay wax gool ah dhaliyeen.

Ciyaartii danbe ee galabta la ciyaarayay ayaa dhexmartay xulalka gobollada Bari Vs Bakool,waxaana ciyaartaasi ay ka duwanayd kuwii horay u dhacay tan iyo markii uu furmay koobkan.

 

Waxa ay ku soo dhamaatay ciyaartaasi Bari 4- 0 Bakool ,taasi oo muujisay in gobolka laga badiyay uusan awaad badan ku dhax lahayn kooxaha koobka ka qayb galaya,waxaana kooxdii laba kulan oo iska xaga laga badiyo ay gabi ahanba isaga haraysaa koobka.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online

[email protected]

Bosaaso,Soomaaliya