Sheekh Shariif oo maanta kulammo kula yeeshay magaalada Nairobi Mwai Kibaki iyo wakiilka UN-ka ee Soomaaliya

Talaado, October 05, 2010 (HOL) ­ Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa intii uu socdaalka ku joogay dalka Keynya wuxuu kulammo kula qaatay halkaas madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki iyo wasiirro ka tirasn xukuumaddiisa, isagoo kala hadlay xaaladda ammaanka ee labada dal.

Sheekh Shariif, oo duhurnimadii maanta kasoo dhoofay Kenya, ayaa wuxuu kulammadiisa kaga codsaday dpowladda Kenya sida ay wararka hoose sheegayaa, in dowladiisa gacan laga siiyo sidii ay uga guuleysan lahayd kooxaha dagaalka kula jira, oo wacad ku maray inay xukuumadda ridayaan.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale la kulmay safiirrada dalalka Shiinaha, Sucuudiga iyo Faransiiska u fadhiya dalka Kenya, iyadoo aanay jirin warar kasoo baxay shirkaas, balse wararka ayaa sheegaya inuu kala hadlay sidii ay u caawin lahaayeen dowlada uu hoggaaminayo.

Dowladda Soomaaliya, ayaa waxay dagaal kula jirtaa xoogag hubeysan, kuwaasoo gacan ku haya inta gobollada koonfuree ee Soomaaliya, waxaana uu safarro kuwan oo kale ah uu toddobaadkii tagay kusoo maray dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

Sidoo kale, Madaxweyne Shariif, ayaa wuxuu Nairobi kulan kule kula qaatay wakiilka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay uga wakilka ah arrimaha dalka Soomaaliya Augsustine P. Mahiga, iyagoo si gaar ah uga hadlay magacaabidda ra’iisul wasaaraha cusub, inkastoo aan la sheegin wixii ay isku afgarteen.

Ugu dambeyn, Madaxweynuhu, wuxuu kulammo kula qaatay Nairobi, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, waxgarad iyo Soomaalida ku nool Nairobi, kuwaasoo uu kala hadlay xaaladda dalka Soomaaliya uu marayo iyo magacaabidda ra’iisul wasaaraha cusub.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya