1/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 21, 2010
Baaq ay soo saareen Isbaheysiga Qurbajoogta Horumarinta Hiiraan ee loo yaqaan G55

ISBAHEYSIGA QURBAJOOGTA HORUMARINTA HIIRAAN

(HIRAN DIASPORA DEVELOPMENT ALLIANCE)

HDDA

 

BAAQ KA SOO BAXAY ISBAHEYSIGA QURBAJOOGTA HORUMARINTA HIIRAAN OO LAGU QABTAY LONDON 18 MAY 2010 EE KU SAABSANAA DHISMAHA DOWLAD GOBOLEED AY U DHANYIHIIN DHAMMAAN BEELAHA GOBOLKA HIIRAAN


 

-----------------------------------------------------------------------------------------------------------

Isbaheysiga Qurbajoogta Horumarinta Hiiraan (HDDA) ee loo yaqaanno G55, kaddib markii uu shir ballaaran ku yeeshay magaalada London muddadii u dhexeysay 14-kii illaa 18-kii bisha May 2010 – shirkaas oo ay ka soo qeybgaleen xubnaha golaha G55 ee isaga yimid dhammaan qaaradaha aduunka, waxay kaga wada munaaqashoodeen u gogolxaaridda dhismaha Dowlad Goboleed laga dhiso Gobolka Hiiraan oo ay ku mideysan yihiin dhammaan beelaha wada dega Hiiraan.

 

Haddaba,

 

ISBAHAYSIGA QURBOJOOGTA HORUMARINTA HIIRAAN (HDDA)

 

-          Markuu arkay go’aannadii shirweynaha G-55 ee ku qabsoomay London.

-          Markuu qiimeeyey shirarkii wadatashiga iyo tixgelinta ku dhisnaa ee socday afarta maalmood.

-          Markuu ururiyey aragtidii aqoonyahannada iyo waxgaradka reer Hiiraan ee gudaha iyo dibadda.

Waxay soo saareen baaqaan:

  • Waxaan dadweynaha reer Hiiraan meel walba oo ay joogaan, ummadweynta Soomaaliyeed iyo adduunkaba la socodsiinaynaa.
  • Iyo sidoo kale Ugaasyada, Wabarrada, Odayaasha, Culumaa’uddiinka, Aqoonyahannada, Dhallinyarada, Haweenka iyo dhammaan Bulshaweynta Reer Hiiraan.

 

In shalay oo ay taariikhdu ahayd 18-kii May 2010 lagu dhawaaqay Dowlad Goboleed ay leeyihiin Dhammaan Beelaha Reer Hiiraan.

 

  • Inuu dhismaha maamul-goboleedka Hiiraan yahay mid ay ku wada dhan yihiin beelaha wada dega Hiiraan, isla markaasna ay dhismahiisa ka wada qayb qaadanayaan dhammaan beelaha ku abtirsada ama loo yaqaan reer Hiiraan.
  • Dowlad Goboleedka u curtay Gobolka Hiiraan wuxuu yeelan doontaa gobollo dhowr ah iyo degmooyin badan oo ay si wadajir ah u sameyn doonaan beelaha ku bahoobay Reer Hiiraan.
  • Xuduudda gobollada Dowlad-goboleedka iyo degmooyinkeedaba waxaa qeexiddeeda si wadajir ah uga wada shaqeyn doona aqoonyahanno isku dhaf ah oo ka kooban beelaha Hiiraan xirfadna u leh dhismaha xuduudaha.

 

  • Waxaa kaloo la go’aansaday ilaa laga gaarayo 18 June 2010 in uu Guddoomiyaha G55 Mudane Maxamuud Cabdi Cabdulle (Cabdi Gaab) yahay hoggaamiyaha ku meel gaar ka ah ee dhismaha Dowlad Goboleedka Hiiraan.

 

 

Xubnaha HDDA (G55) oo shirka kasoo qeyb galay kana wakiil ah dhammaan xubnaha Isbaheysiga meel walba ay joogaan

 

Mudane Maxamuud Cabdi Cabdulle (Gaab)                     Guddoomiye

Duuliye/Sare Axmed Cismaan Beyle                              Gud.  Ku-Xigeen 2aad

Mudane Axmed Cilmi Muxumad                                    Kaaliyaha Guud

Avv. Daahir Xasan Cabdi                                             Xubin Guddiga Fulinta

Dr. Cabdulqaadir Cali Cabdi (Xurka)                              Xubin Guddiga Fulinta

Mudane Muxiddiin Cumar Cabdi                                    Xubin Guddiga Fulinta

Col. Ismaaciil Cilmi Xareed                                         Xubin Guddiga Fulinta

Mudane Cabdirashiid Xaaji Axmed                                   Xubin Guddiga Fulinta 

Dr. Cismaan Cilmi Guuleed                                              Xubin Guddiga Fulinta

Prof. Axmed Maxamed Weheliye (Xiji)                             Xubin HDDA 

Dr. Cumar Yuusuf Nuur                                                   Xubin HDDA

Marwo Sahra Maxamed Abtidoon                                     Xubin HDDA

Dr. Cabdullaahi Goodax Barre                                         Xubin HDDA

Mudane Khalif Mumin Tooxow                                         Xubin HDDA

Mudane Mustaf Sebriye Xalane                                       Xubin HDDA

Dr. Cali-nur Xuseen Boodaaye                                         Xubin HDDA

Mudane Cabdirisaak Cabdi Xuseen                                  Xubin HDDA 

Marwo Sucaado Diiriye                                                    Xubin HDDA

Mudane Cabdullaahi Xuseen Sandhool                              Xubin HDDA   

Mudane Xasan Maxamed Ibraahim                                  Xubin HDDA

Mudane Cali Maxamed Carab                                          Xubin HDDA

Amb. Cabdulqaadir Xooshoow                                         Xubin HDDA

Mudane Axmed Sheekh Muumin                                       Xubin HDDA

Mudane Cabdulle Faarax Rooble                                        Xubin HDDA     

Col. Maxamed Macallin Axmed                                        Xubin HDDA

Mudane Nuur Iidow Beyle                                                Xubin HDDA