Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo sheegtay in khilaafka baarlamaanka uu fure u yahay Dowladda oo burburta
Isniin, May 17, 2010 (HOL) − Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in muranka u dhexeeya Baarlamaanka uu fure u yahay burbur ku socda Dowladda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo Muqdisho ka hadlay in xildhibaanada baarlamaanka aysan ahayn kuwo maslaxadda dalka iyo dadka ka shaqeynaya ee ay yihiin kuwo dhibaato soo kordhinaya.
"Xildhibaannadii shalay isku tuurayay gasacyada cabitaanka ma ahan kuwo dalka iyo dadka wax dan u ah haya, waayo waa kuwo aan mas'uuliyadda saaran ogeyn" ayuu yiri Sheekh Cali Maxamed Xuseen.
Ma'suulkan u hadlay Xarrakatul Shabaab, wuxuu sheegay in Dowladda ay ku socoto godkii burburka ayna caddeynayaan khilaafyada u dhexeeya oo muddo soo jiray, isagoo sheegay in shacabku ay ka digtoonaadaan Dowladda.
"Waxaan shacbka ugu baaqayaa inay ka qaybqaataan dagaal ay Xarrakatul Shababa ku doonayso inay ku qabsato deegaannada yar ee ay gacanta ku hayso Dowladda Soomaaliya" ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab.
Xarrakatul Shabaab ayaa dowladda Soomaaliya kula jira dagaal soo bilowday sannadkii hore, kaasoo ay sheegtay inay kaga turayso xilka, iyadoo dhanka kale ay Dowladdu sheegto inay dagaal ku qabsanayso Magaalada Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Isniin, May 16, 2010 (HOL) − Maamulka Puntland ayaa Markii ugu Horaysay somalilanad uga digay in Kaararka Codbixinta la keeno Meelo ka mid ah Puntland ,gaar ahaan Gobolka Sanaag.
Isniin, May 17, 2010 (HOL) − Wasiir-u-dowlihii Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya ee maanta la kala diray Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa ku eedeeyay xukuumaddaas inay la shaqeynaysay Islaamiyiinta.
Isniin, May 17, 2010 (HOL) − Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sheegay inay todobaadyo gudahood ay ku qabsanayaan degmooyinka ay gacanta ku hayaan Xoogagga kasoo horjeeda.
Isniin, May 17, 2010 (HOL) − Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta xukun dil ah ku fuliyay nin ay ku eedeeyeen inuu Jaajuus u ahaa Dowladda Soomaaliya, kaasoo ay xukuntay Maxkamad Gobolka Banaadir ee iyaga hoostagta.
Isniin, May 17, 2010 (HOL) − Shir jaraa'id oo uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Sooomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) uu goordhow ku qabtay Madaxtooyada Soomaaliya ayuu kaga dhawaaqay inuu xilkii iska casilay.
Isniin, May 17, 2010 (HOL) − Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qof kalena wuu ku dhaawacmay kaddib dagaal ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam iyo nin hubeysan ku dhexmaray deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.
Isniin, 17, May, 2010 (HOL) Dadka barakcayaasha ee ku jirra xeryaha kala duwan ee ku yaalla daafaha Magaalada Beledweyne waxaa la oran karaa waa kuwa ugu liita marka le eego dhinaca nolasha, waxaana ay qaarkood ku nool yihiin nolashooda ku dabaraan Dawarsi oo waxaad ku arkeysaa gudaha Magaalada Haween gacmaha ka haya Caruurtii ay dhaleen hadba Sadaqo weydiinaya dadka wax xoogaa ka dhaqaalle roon, laakiin haddana ma'aha arrintaa mid dabooli karta baahiyaha kala duwan ee heysta Qoysaska Barakacayaasha ah.
Isniin, May 17, 2010 (HOL) − Xildhibaannada fikir ahaan kasoo horjeeda guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku doortay guddoomiye cusub gallinkii dambe ee Axaddii shalay kaddib markii buuq uu ka dhashay kulankii baarlamaanka.
Isniin, May 17, 2010 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa ku gacansayray go'aankii kasoo baxay Sheekh Aadan Madoobe ee ahaa inay xukuumaddu dhacday, kaddib shir jaraa'id oo uu Muqdisho ku qabtay.
Somali News
5/17/2010 3:50 PM EST
MOSCOW (AFP)— The Russian military did not intend to kill Somali pirates who are believed to be dead after being set afloat at sea in a small boat about 10 days ago, a senior commander was quoted as saying Monday.
5/17/2010 2:22 PM EST
Nairobi, 17 May 2010 - The U.S. expresses its continued support for the Djibouti Peace Process and the Transitional Federal Government. We note the recent political turmoil within the TFG and would like to highlight that the TFG needs
5/17/2010 9:40 AM EST
Mogadishu (HOL) - President Sheikh Sharif Ahmed announced that the Prime Minister Omar Abdirashid and his cabinet have been sacked in a joint press conference held Monday afternoon between the President and Speaker of the Parliament Sheikh Aden Nur.
5/17/2010 6:17 AM EST
Nairobi (HOL) - Six nations from all over Africa came together Sunday to commemorate the 19th Independence of Eritrea by representing their respective countries in Africa’s favourite sporting pastime, Football.
5/17/2010 5:24 AM EST
MOSCOW — The Russian military did not intend to kill Somali pirates who are believed to be dead after being set afloat at sea in a small boat about 10 days ago, a senior commander was quoted as saying Monday.
5/17/2010 5:21 AM EST
The escalating political struggle in Somalia will embolden hard-line Islamic insurgents, including al-Shabab, to launch fresh attacks to overthrow President Sheik Sharif Sheikh Ahmed’s government, said political analyst Ali Abdullahi.
5/17/2010 5:14 AM EST
MOGADISHU - Heavy shelling pounded Somalia's capital on Sunday, killing at least 24 people and wounding dozens, as parliament's first sitting this year triggered a call by the speaker for a new government.