1/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 27, 2010
Mudane Siilaanyo oo la wareegay Madaxtinimada Somaliland

Talaado, July 27, 2010 (HOL) - Axmed Max’ed Maxamud (Siilaanyo), oo 26-kii bishii June ku guuleystay doorashadii madaxweynanimo ee ka dhacday Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka madaxweynanimada, isagoo jagadaas kala wareegay madaxweynihii hore ee Somaliland, Dahir Rayaale Kahin.

“Waxaan idiin ballan-qaadayaa inaa shacabka Somaliland ku dhaqo cadaalad iyo sinnaan,” ayuu yiri Mr. Siilaanyo, oo khudbad kooban ka jeediyey munaasabad loogu tala galay xil kala wareegista oo ka dhacday Aqalka Madaxtooyada Somaliland.

Munaasabaddaas, oo ay goobjoog ka ahaayeen dhammaan saddexda xisbi siyaasadeed ee Somaliland, shir guddoonka Golaha Baarlamaanka Somaliland iyo wufuud ka kala socota dalka Djibouti, Kenya iyo Ethiopia, ayaa aheyd mid qiiro leh u dhacday.

Madaxweyne Rayale, oo xiran suud madow, calanka Somaliland-nna uu ugu dheggan yahay xabadka, ayaa isaguna khudbad xammaasad leh ka jeediyey munaasabadda.

“Waan is-daba taagayaa, isla markaana gacan siinayaa Madaxweyne Siilaanyo,” ayuu yiri Mr. Rayale. “Wuu dhammmaaday xilligii tartanka axsaabta.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa isagu dhaariyey madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa, isagoo sheegay in qodobka 129-aad ee Dastuurka Somaliland uu dhigayo in si rasmi ah loo dhaariyo madaxweynaha la doorto ee Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa si weyn ugu mahad-celiyey Rayaale, isagoo sheegay inuu yahay halyaay soo halgamay. Wuxuuna sheegay in taariikhda Somaliland xusi doonto.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay inuu khudbad dheer oo qaran uu Arbacada berri ah u jeedin doono qaranka, isagaoo isla markaana sheegay inuu soo magacaabi doono golihiisa wasiirrada.