10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 20, 2010
Masjid markiiba ay ku tugan in ka badan 2500 oo laga hergaliyay Magaalada Beledweyne.

Talaado,  20, July, 2010 (HOL) Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa siweyn u soo dhaweeyay furitaanka Masjid bilihii ugu danbeeyayba dhismihii laga waday gudaha Magaalada kaasoo markiiba qaadi kara in ka badan 2500 oo ruux, kadib markii uu dadka ku yaraaday Masjid horay uga dhisnaa dhulka uu hadda ku fadhiya Masjidka cusub.
 
Munaasabada furitaanka Masjidka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay dadweyne aad u faro bada oo ka kala yimid Xaafadaha Magaaladu ka kooban tahay iyaga oo ku soo wareegay guud ahaan qeybaha kala duwan ee Masjidka, waxaana dadka siweyn u soo jiitay muuqaalka Masjidka oo ah mid ku cusub bartamaha Soomaaliya.


 
Masjidka oo loo bixiyay (Masjidu Nuur) ayaa waxaa uu ka kooban yahay Sadax qeybood oo kala ah Labo qeybood oo loogu tala galay Raga, iyo qeyb loogu tala galay in ay  ku tukadaan Dumarka, waxaana muuqta in hadda ay meesha ay ka baxday baahi dadka reer Beledweyne u qabaan in ay helaan goob markiiba ay ku wada tukan karaan  Rag iyo Dumar ka badan 2500 ruux.
 
Guddiga dhimaha Masjidkan cusub oo goob joog ka ahaa sidoo kale munaasabada furintaaka Maajidka ayaa waxaa ay siweyn ugu mahad celiyeen dhamaan intii gacan ka geystay in laga hergaliyo Magaalada Beledweyne Masjidkan cusub iyaga oo u rajeeyay in Ilaah ka abaal siiyo Kheryka ay sameeyeen.


 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]