Jimco Feb 19, 2010 (HOL) - Ciidamada Maamulka wilaayada jubooyinka ee hoostagta xarakada alshabaab ayaa saaka si nabadgelyo ah kula wareegtay deegaanka dhoobley kadib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamadii uu watay Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo isagu xubin ka ah ururka xizbul islaam.
Xiiriiro kala duwan oo aan saaka la sameynay dadka ku dhaqan deegaanka dhoobley ayaa inoo xaqiijiyay in xaalada magaalda ay saaka tahay mid aad u kacsan iyadoo laga maqlayo gudaha magaalada rasaas goos goos ah oo ay ridayaan ciidamada xoogaga alshabaab ee soo galay magaalada, iyadoo ciidamadii uu watay sheikh Axmed Madoobe ay xalay saqdii dhexe faaruqiyeen guud ahaanba deegaankaasi dhoobley, mana la oga halka ay aadeen.
Dagaalkii shalay ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen kudhowaad ilaa 11 qof halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo u badnaa dhinacyadii ay dirirtu dhex mareysay
Dib u qabshada Xarakada Alshabaab ee deegaankaasi dhoobley ayaa ku soo beegmeysa xilli ciidamo aad u xoogan oo uu watay Sheek Axmed madoobe ay shalay gelin hore la wareegeen gacan ku haynta deegaanka dhoobley oo ku yaal galbeedka G/J/hoose kadib dagaal qaraar oo ay la galeen ciidamadii Maamulka Alshabaab ee Deegaankaasi Dhoobley.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Xoogaga xarakada Alshabaab ee Jubooyinka oo dib ula wareegtay Deegaanka Dhoobley
More News
- Xarun Dhaqameed loogu magac-daray Abwaan Hadraawi oo laga furay Hargeysa (DAAWO SAWIRRO)
- Maamulka Alshabaab ee Gobollada Jubbooyinka oo ka warbixiyay Xaaladda Deegaanka Dhoobley oo ay shalay dagaallo ka dhaceen
- MADAXWEYNE SHEEKH SHARIIF: "Dowladdu ma doonayso inay dagaal keliya ku xalliso dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya"
- Wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo soo dhaweeyay heshiiskii ay Ahlusunna Waljamaaca iyo Dowladdu gaareen
- Dagaal xalay duleedka Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Xoogagga Kooxaha kasoo horjeeda iyo barakac cusub oo ka bilowday Deegaanka Garasbaalley
- Jabhadda ONLF oo shaacisay inaysan wax lug ah ku lahayn dagaallada Soomaaliya ku dhexmaraya Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaab
- Hay'adda WFP oo sheegtay in gargaarka ay geyso Soomaaliya uusan gacnta u gelin kooxaha mucaaradka
- Wasiirkii Isboortiga Soomaaliya oo Tacsi heer Qaran ah loogu sameeyay Madaxtooyada Soomaaliya (Daawo Sawirro)
- Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo Al Shabaab ku eedeeyay Dilal ka dhacay meelo ka mid ah Puntland