4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 25, 2010
Mudaharaadyo maanta ka dhacay Somaliland oo sababay in la xiro Jaamacadda Hargeysa (SAWIRRO)


Sabti, 25 December 2010 (HOL)- Shaqadii waxbarasho ee jaamacadda Hargeysa ayaa maanta gebi ahaanba istaagtay, ka dib markii ardayda wax ka barata Jaamacaddaasi ay Mudaharaadeen, isla markaana ay cabasho u gudbiyeen xukuumadda Somaliland.

Ardayda maanta Mudaharaaday ayaa qaarkood ay cabasho ka muujiyeen guddi cusub oo ku-meel-gaadh ah oo uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Jaamacaddaas, ka dib markii uu dhawaan iscasilay guddoomiyihii Jaamacaddaas Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan, taas oo keentay in uu khilaaf ka dhex abuurmo ardayda qaarkood, isla markaana ay la kala saftaan qaybsanaan soo kala dhex gashay hoggaanka Jaamacadda.


Ardaydan maanta Mudaharaadka la tegay Jaamacadda Hargeysa, waxay sheegeen in maamulka ku-meel-gaarka ah ee uu madaxweynuhu magacaabay aanay aqoon ahaan hagi-karin Jaamacadda, waxaana ardayda hadal u jeediyay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Cilmi Rooble Furre, waxaanay kula dardaarmeen ardayda in ay amniga sugaan, isla markaana cabashadooda ay u tebiyaan si nabadgelyo ah.

Dhinaca kale, hoggaanka Jaamacadda oo iyana arrintan ka hadlay ayaa mudaharaadka ku tilmaamay mid siyaasadaysan.

Dhawaanahan waxa Jaamacadda hadheeyay khilaaf laysku maan-dhaafay hab-maamulka Jaamacadda, taas oo ay guddi sare oo dhawaan la magacaabay ay sheegeen inay iska dhex dooranayaan Guddoomiyaha Jaamacadda, halka hoggaankii hore u sii joogayna ay sheegeen in aanay xaq u lahayn, taasina waxay sababtay in madaxweyne Siilaanyo uu magacaabo mid ku-meel-gaadh ah, kaas oo isna keenay mudahaharaadka ardayda ee maanta.







Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeisa, Somaliland