11/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 30, 2009
Markabkii dhowaan ka badbaaday burcad badeeda oo si habsami leh looga dejinayo shixnaddii saarneyd Dekedda caalamiga ah ee Muqdisho (DAAWO SAWIRRO)


Arbaco, September 30, 2009(HOL): Waxaa si habsami leh shixnaddii saarneyd looga dejinayaa  Markabka MV Barwaaqo oo dhowaan isagu ka badbaaday kooxo burcad badeed ah oo ku helay meel aan sidaasi uga fogeyn Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.
 
Markabkan oo isagu sida shixnado kala duwan una raran ganacsato Soomaaliyeed, ayaa Kabtankii waday waxa uu ku geeriyooday israsaaseyn dhexmartay kooxaha burcad badeedda ah iyo ciidamada ilaalada Dekedda oo kaashanaya kuwa AMISOM.
 
Shixnadaha markabkaasi uu sido ayaa waxay isugu jiraan xamuul guud oo ka kooban badeecado kala duwan sida Bagaash, Bur, Bariis, Sokor iyo badeecado kale, kuwaasi oo dhammaantood ku socda magaalada Muqdisho.
 
Markabkan oo ka yimid dalka Imaaraadka Carabta ayaa badeecadaha uu sido waxa uu ka soo kala qaaday dhowr wadan oo ku yaalla gacanka Carabta iyo Hindiya, isagoona markii uu soo galay dalka Soomaaliya, gaar ahaan agagaarka magaalada Muqdisho la kulmay dhowr shil.
 
Shilka labaad ee la soo gudboonaaday xubnaha wakiillada shirkadda Markabka MV Barwaaqo ayaa ah kaddib markii ciidamada AMISOM ay rasaas la dhaceen gaari Ambulance ah oo siday meydka kabtanka Markabka oo la doonayay in laga dhoofiyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.



Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya