4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 2 , 2009
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Dadka naga soo horjeeda haddii aysan wada hadal dooneyn, ha sugaano labo sano, kadibna doorasho ha u diyaargaroobaano”

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Sh.Shiikh Axmed
Sabti, May 02, 2009(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id ku soo qaatay arrimo ay ka mid ahaayeen, madaafiic dhawaan lagu duqeeyay xaafado ka tirsan Muqdisho, kuwaasi oo ay dad badan ku dhinteen, aragtidiisa ku aadan dib ugu soo noqoshada Shiikh Xasan Daahir ee Dalka Soomaaliya, socdaal uu dalka dibaddiisa ku tegay, go’aankii Baarlamaanka ee ahaa in dalka lagu xukumo shareecada Islaamka iyo warar sheegayay in ay Dowladda Soomaaliya dhul ka iibsatay Dowladda Kenya.

Ugu horeyn waxaa uu ka hadlay madaxweynaha duqeyntii ay dadka badan ku dhinteen ee Muqdisho ka dhacday, wuxuuna sheegay in duqeyntaas ay ka dambeeyeen dad qaldan oo aan u tureynin shacabka Soomaaliyeed, intaas kadibna wuxuu tacsi u diray ehelladii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii duqeyntaas ku dhintay, halka dadkii ku dhaawacmayna uu caafimaad Alle uga rajeeyay.

Mar uu ka jawaabayay su’aal la weydiiyay oo ku saabsaneyd sida uu u arkayo dib ugu soo noqoshada Soomaaliya ee Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu sheegay in Shiikh Xasan uu yahay nin muwaadin Soomaaliyeed ah oo ay soo wada halgameen, hayeeshee ay ku kala tageen afkaar siyaasadeed, “Waxaan aaminsanahay in haddii aan Afkaar ku kala tagnay aan ka mideysannahay in la badbaadiyo dhiigga dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Shiikh Shariif oo sheegay in Dowladda uu madaxda ka yahay ay wada hadal ugu baaqeyso dadka ka soo horjeeda.

“Dadka naga soo horjeeda haddii aysan wada hadal dooneyn, ha sugaano labo sano , kadibna doorasho diyaar ha u diyaargaroobaano, nasiibkoodana ha tijaabiyaano” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Shiikh Shariif waxaa kale oo uu jawaab ka bixiyay su’aal kale oo ku saabsaneyd in Dowladda Soomaaliya ay dhul dhinaca Badda ah ka iibsatay Dowladda Kenya, wuxuuna sheegay in warkaas uu ahaa mid been abuur ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in faah-faahinta heshiiskii labada dowladood dhexmaray si dhaqsi ah loo soo bandhigi doono.

Intaas kadib madaxweynaha waxaa uu ka hadlay go’aan uu dhawaan gaaray Baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo ahaa in dalka Soomaaliya lagu xukumo shareecada Islaamka, wuxuuna sheegay in go’aankaas uu ahaa mid muhiim ah, uuna soo dhaweynayo, sidoo kalena wuxuu caddeeyay  in uu isna soo dhaweynayo go’aan kale oo uu Baarlamaanka ku ansixiyay miisaaniyad ay soo hordhigtay Xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, madaxweynaha waxaa uu ka hadlay socdaallo uu ku soo kala bixiyay dalal dhowr ah oo ka tirsan Qaaradaha Yurub iyo Aasiya, kuwaasi oo kala ah Turkey, Beglium, Egypt, Sudan iyo Kenya, wuxuuna sheegay in socdaalladii uu ku tegay dalalkaas ay ahaayeen kuwo guul ku soo dhamaaday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya