4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 2 , 2009
Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah oo Markab ka qafaashay Badweynta Hindiya

Sabti, May 02, 2009(HOL): Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah ayaa waxay maanta markab ka qafaasheen  Badweynta Hindiya, iyadoo markabkaas oo kuwa shixnadaha qaado ahna laga leeyahay Dalka Greece.

Markabka ay Burcad Badeedda qafaasheen oo lagu magacaabo MV Ariana ayaa waxaa laga soo qabtay meel 400 oo Km Koofur kaga beegan Jasiiradda Seychelles, sidaas waxaa sheegay Afhayeen u hadlay taliska Gaashaan-buurta NATO oo lagu magacaabo Chris Davies. Markabkan oo ka diiwaangashan Dalka Britain ayaa waxaa saaran Shaqaale u dhashay Dalka Ukraine.

“Isla marka ay Burcad Badeedda Markabka soo fuulaan ma jiraan wax ay maraakiibta dagaalka sameyn karaan, kaliya uun waa sug oo arag”sidaas waxaa sheegay Andrew Mwangura oo ka tirsan Haya’d qaabilsan Badaha Bariga Afrika.

Af-duubka Markabkan Greece laga leeyahay loo geystay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Ciidamada NATO, gaar ahaan kuwa Dalka Portugal ay qabteen 19 Nin oo Burcad Badeed Soomaali ah, kuwaasi oo doonayay in ay qafaashaan Markab kuwa saliidda qaado ah oo laga leeyahay dalka Norway. Ciidamada NATO waa ay sii daayeen 19kaas nin kadib markii ay ka reebeen hubkii ay wateen.

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ah oo u bartay in ay qabsadaan Maraakiibta iyo Doomaha ku socdaala Xeebaha Soomaaliya kadibna ka qaataan lacag madax furasho ah ayaa hataan waxay wajahayaan caqabad ka hortimid kalluumeysigoodii Maraakiibta iyo Doomaha, waxaana dhowr jeer oo hore la qabtay qaar ka mid ah Burcad Badeedka, halka kuwo kalena la dilay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya