4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 2 , 2009
Waddadii Dhismaheedu ka soconayay Magaalada Kismaayo oo qeyb ka mid ah maanta la furay


Sabti, May 02, 2009(HOL): Waddadaan Laamiga ah ee Dhismaheedu ka socday Magaalada Kismaayo ayaa qeyb ka mid ah la furay, halka inta hartayna uu wali dhismaheedu sii soconayo. Wadadan ayaa maanta la arkayay iyadoo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay adeegsanayaan sida kuwa dadweynaha, kuwa xamuuka qaado iyo kuwa raaxada.
 
Gaadiidka noocyadiisa kala duwn ayaa intii uu soconayay dhismaha waddadaan waxa ay adeegsanjireen jid-cadeyaal dhex mara xaafadaha kuwaasi oo ay dhibaato iyo ciriiri badan ku qabeen.

Gaadiidka isticmaalayay waddadaan ayaa intooda badan waxa ay ahaayeen kuwo xawaaro dheer ku marayay wadada dadkana khatar gelinayay, waxaana islamaantaba digniin u jeedisay gaadiidleyda Waaxda Amniga Wadooyinka ee maamulka islaamiga ah ee magaalada Kismaayo
 
Sheekh Axmed Xasan Tartiib oo ah madaxa ciidamada taraafikada ah ee waddooyinka oo arintaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay maanta qabteen dhowr gaari oo xawli dheereeya ku mareysay wadadaasi isagoo sheegay in ay digniin u dirayaan Darwallada gaadiidka.
 
Dhismaha waddadaan ayaa u muuqaneysa  mid wax weyn ka badaleysa isu socodkii Gaadiidka ee Magaalada Kismaayo, waxaana ay wadadaani ahaan jirtay mid gaadiidka intooda badan la iska xareeyo marka ay roobab ka da'aan Magaalada Kismaayo.
 
X.N, Hiiraan Online
Kismaayo, Soomaaliya