4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 2 , 2009
Ciidamada NATO ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya oo qabtay Burcad Badeed Soomaali ah, hadana sii daayay

Sabti, May 02, 2009(HOL): Ciidamada Badda NATO ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Dalka Portugal ayaa waxay qabteen Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah, kuwaasi  oo doonayay in ay qabsadaan Markab laga leeyahay Dalka Norway.

Captain-ka waday  markabka ay doonayeen Kooxaha Burcad Badeedka in ay qafaashaan ayaa markii uu arkay in la soo weerarayo waxaa uu la xiriiray Ciidamada NATO, kadibna waxaa wicitaankiisii cabashada ahaa ka jawaabay Ciidamada Dalka Portugal, kuwaasi oo diyaarado Helicopters ah u diray halka Markabka lagu weeraray.

Ciidamadii saarnaa Diyaaradaha Helicopterska ayaa waxay dabadeed hubka ka dhigeen , isla markaana ay qabteen Kooxihii Burcad Badeedka ahaa oo tiradooda lagu sheegay 19 nin, kuwaasi oo ay baaritaanno kadib sii daayeen. Ciidamada Badda NATO ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaan fasax u heysan in ay maxaabiis ahaan u kaxeeyaan Kooxaha Burcad Badeedka, waxayna kaliya ka badbaadiyaan Maraakiibta iyo Doomaha ay doonayaan in ay qafaashaan.

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ah oo u bartay in ay qabsadaan Maraakiibta iyo Doomaha ku socdaala Xeebaha Soomaaliya kadibna ka qaataan lacag madax furasho ah ayaa hataan waxay wajahayaan caqabad ka hortimid kalluumeysigoodii Maraakiibta iyo Doomaha, waxaana dhowr jeer oo hore la qabtay qaar ka mid ah Burcad Badeedka, halka kuwo kalena la dilay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya