Madaxweynaha Soomaaliya oo cafis u fidiyay 14 Maxaabiis ah oo ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee Muqdisho
Talaado, May 19, 2009(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa cafis u fidiyay dhalinyaro ku jiray xabsiga dhexe ee Muqdisho, kuwaas oo tiradoodu gaaraysay 14 dhalinyaro ah.
Dhalinyaradaas ayaa 10 ka mid ah Maxkmad Meleteri ay ku xukuntay labo sano iyo bar xarig ah iyadoo lagu eedeeyay in ay ka mid ahaayeen Muqaawamada, halka 4 kalana ay Maxkamad madani ah xukuntay, waxaana ay xabsiga ku jireen 8 bilood..
Madaxweynaha ayaa kula hadlay Maxaabiistaas Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Gen. C/llaahi Macalim Cali Taliyaha guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo G/Sare C/naasir Axmed Maxamed Xeer ilaaliyaha Ciidamada qalabka sida.
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa dhinacyo badan taabatay isagoo ugu horeyntii kula dardaarmay in ay ka faa’ideystaan fursadaan oo ay noqdaan muwaadiniin wanaagsan oo wax tara dadkooda iyo dalkooda, una rajeeyay in ay ku nolaadaan nolol toosan oo wanaagsan, wuxuuna xusuusiyay xadiiskii nabigeena Naxariis iyo Nabadgalyo dushiisa ha ahaatee, wuxuuna yiri“Muslimka waa qofkii ay Muslimiintu ka nabadgalaan afkiisa.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in asalka go’aanka maxkamad uu yahay in la ixtiraamo ama ha saxsanaado go’aanka garsooraha ama ha qaldanaadee, waxaa uu u tilmaamay Madaxweynuhu in ay saas u fahmaan.
Madaxweynuhu wuxuu u sheegay in dalka iminka wixii ka dambeeyay lagu xukumayo shareecada, waxaana uu ka dalbaday in ay fahmaan islaamku inuu yahay nidaam, kala danbeyn ah, dhowridda sharciga iyo adeecidda Madaxda.
Madaxweynuhu wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in raggii islaamka sheegaynayay inay raadinayaan inay dhiiggii muslimka ku dhex jiraan oo ay xaalaaleystaan dhiigga walaalahood, isagoo Madaxweynaha ku tilmaamay in 18 sano oo fowdo ah in weli lagu sii jiraa ay tahay khasaaro.
Madaxweynuhu isagoo arinkaas daba jooga waxaa uu dhalinyarada kula taliyay in aysan ku kadsoomin fikradahaas qaldan waxaana uuna yiri “ waxaan idinka digayayaa arinkaas, dhalinyaradu waa u nugul yihiin, waxaa aad u xun in qof muslim ah lagu qanciyo in walaalkiis oo muslim ah uu isku qarxiyo.
Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu ku booriyay dhalinyarada ine ay Dowladda garab galaan oo ay bog cusub noloshooda u furaan. iyadoo la gudoonsiiyay hadiyad Madaxweynuhu ugu talagalay maxaabiista cafiska loo fidiyay.
Magacyada Maxaabiista Cafiska loo Fidiyay
1.Maxamed C/laahi Cilmi.
2. C/qaadir Maxamed Gaas
3.Maxamuud Maxamed Abukar.
4. Axmed C.raxmaan Xaamud
5. Maxamuud Xasan Daauud.
6. Abshir Cabdi Cusmaan
7. Akram Cabaas Maxamed
8. Cumar Muuse Xuseen
9. Maxamed Jeylaani Abuukar
10. Mascuud Maxamed Siyaad
11. Daahir Cabdi Cali
12. Cabdi Cali Axmed
13. C/qaadir Cali Axmed
14. C/nuur Ibraahim Maxamed.
Hiiraan Online News Desk