1/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 21, 2009
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku baaqay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya-Maxamed C/llaahi Oomaar-SAWIRKA HIIRAAN ONLINE
Sabti, March 21, 2009(HOL): Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar oo ka qeybgalay shir  uu Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya ayaa wuxuu ka codsaday UN-ka in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta si buu yiri loo qalabeeyo Ciidamada Dowladda Soomaaliyeed oo markaasina ay awood u yeeshaan in ay iska difaacaan xoogagga ka soo horjeeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxaa uu sidoo kale codsaday in la xoojiyo Ciidamada Amisom ee howlgalka nabad-ilaalinta ah u jooga Soomaaliya, wuxuuna farta ku fiiqay in loo baahan yahay in ciidamo kale lagu kordhiyo Ciidamadaas.

Waxaa kale oo uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar in Ciidamada Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya oo ka kala yimid Dowladdii TFG-da iyo Isbaheysigii ka soo horjeeday ee Dib u xoreynta ay u baahan yihiin in la qarameeyo, isla markaana loo helo taageero dhaqaale iyo mid maaliyadeed.

“Ciidamadan isku dhafka ah waxay u baahan yihiin in ay helaan taageero dhan walba leh, si ay u dhinac istaagaan Ciidamada Amisom, ayna u ilaaliyaan Nabadda”ayuu yiri Maxamed C/llaahi Oomaar oo sheegay in haddii aan taageero loo helin Ciidamada Soomaaliyeed aanan waxba laga qaban karin ammaanka Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa  sanadkii 1992 Soomaaliya ku soo rogtay cunaqabateyn dhinaca hubka , inkastoo lagu xad-gudbay cunaqabateyntaas, Soomaaliyana hub tiro badan la geliyay tan iyo wixii ka dambeeyay markii cunaqabateynta lagu soo rogay Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia