11/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 17, 2009
Fannaanada Maryan Mursal Ciise oo dhagax-dhigtay Dugsi cusub oo ay u magac bixisay HADRAAWI

Arbaco, 17 June 2009 (HOL): Fanaanada Caanka ah ee Maryan Mursal Ciise, ayaa shalay Dhagax-dhigtay Iskuul cusub oo ay ugu magac dartay Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi).

Dugsigan oo laga dhisayo xaafadda Daami ee magaalada Hargeysa, waxa munaasibadii Dhagax-dhigiisa ka qaybgalay Wasiiro, Masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan, Dawladda hoose ee Hargeysa, Fanaaniin, dadweyne tiro badan iyo marti-sharaf kale. Maryan Mursal Ciise oo hadal ka jeedisay munaasibadii Dhagax-dhiga dugsigaas, waxay u mahadnaqday dawladda Hoose ee Caasimada Hargeysa oo bixisay dhulkaas. Isla markaana waxay tilmaantay inay dugsigaas u dhigayso sidii ay u gacan qaban lahayd da’ yarta aan fursado waxbarasho haysan iyo sidii ay u taakulayn lahayd dadka maatada ah.

Sidoo kale, Maryan Mursal Ciise waxay balanqaaday in talaabada dugsigaas xigtaa ee ay qaadaysaa ay noqon doonto wax ka qabashada dhibaato ay tilmaantay inay haysato bahda Fanaaniinta Soomaaliyeed, waxayna ku baaqday sidii wax la taaban karo loogu qaban lahaa, loona horumarin lahaa Fanaaniinta dalka.

Maayar Ku-xigeenka caasimada Hargeysa Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo isna hadal kooban halkaa ka jeediyay, waxa uu Fanaanada Maryan Mursal ku amaanay Hees ay 18 May 2009 u qaaday Somaliland. Sidoo kale, Wasiir Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdirisaaq Rooble iyo Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Mahdi Cusmaan Buuri oo iyana halkaa ka hadlay, waxay Fanaanada Maryan Mursal ku amaaneen socdaalka ay Hargeysa ku timi. 
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa,Somaliland