Jaamacaddii ugu horreysay oo laga hergaliyay Beledweyne

Isniin, July 20, 2009(HOL): Munaasabad siweyn loo soo agaasimay islamarkaana ay ka soo qeyb-galeen inta badan Maamulayaasha Dugsiyada Magaalada Beledweyne ayaa daaha looga rogay Jaamacadii ugu horeysay oo laga hergaliyo Magaalada Beledweyne taasoo loogu magacdaray Beledweyne University.
Madaxa Jaamacada cusub Pro, Maxed Aadan Xaadow ayaa hadal kooban oo ka Munaasabada waxaa uu kaga hadlay Muhiimada Jaamacada iyo qeybaha ay ka kooban tahay waxaana uu sheegay in ujeetadu tahay in la helo Ardey Mustaqbalka danbe isku badasha Aqoonyahanno dhinac walba ka dhisay, isaga oo intaa raaciyay in sidoo kale Jaamacadu fursada u siin doonto ardeyda ka soo qalin jabisa Dugsiyada Sare ee Magaalada in ay helaan Jaamacad ay ku sii dhameystirtaan inta uga harsan Waxbarashada halkii ay Jaamacad u aadi la haayeen Goballada kale ee dalka Soomaaliya.
Pro. Xaadow waxaa uu intaa ku daray in Jaamacadu ka kooban tahay Sadax kuliyadood oo kala 1. Kuliyada Shareecada iyo Daraasaadka Islaamka, 2. Waxbarashada, iyo Kuliyada Sadaxaad oo ah Dhaqaalaha iyo Maamulka.
Madaxa Maamulka Dugsiyada Magaalada Beledweyne Dr. Axmed Dhaqane Cali oo ka hadlay Munaasabada ayaa siweyn u amaanay furitaanka Jaamacada oo sida uu sheegay ku soo beegtay waqtigii loo baahnaa, waxaana uu intaa raaciyay Dr. Axmed Dhaqane in waqtigan ay hortaalo fursad qaali ah Ardeyda Goballka oo markii ay dhameystaan Waxbarashada dugsiga Sare siweyn ugu mushaquuli jiray halkii ay Jaamacad ka heli la haayeen, isaga oo intaa ku sii daray in xitaa Jaamacadu fursad u tahay Goballada dariska ah sida Goballka Gal-gaduud oo sidoo kale ay jirto baahi dhinaca Jaamacada ah.
C/llaahi Yuusuf Gaab oo ah Maamulaha Dugsiga Sare ee Mujamaca ee ku yaala Magaalada Beledweyne ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay Munaasabada waxaa ku amaanay Maamulka Jaamcada iyo inta ka qeyb-qaatada hergalinteeda talaabada muhiimka oo ay joray u qaadaan, gaar ahaan waxaa uu cabiray dareenkiisa la xiriir in Magaalada Beledweyne inta la xasuusan yahay Taariikhda markii ugu horeysay laga hergaliyo Jaamacad, waxaana uu sheegay in Ardeyda maanta yihiin kuwo ka nasiib badan kuwii shalay.
Sidoo kale waxaa furitaanka Jaamcada ka hadlay Odayaal Culimaa'udiin iyo Aqoonyahanno dhamaatood soo dhaweyay furitaanka Jaamacada oo marka dhinac laga eego ah talaabo hormar leh oo loo qaaday dhinaca Waxbarashada.
Inkastoo laga hergaliyay Magaalada Beledweyne Jaamacada loogu magacdaray Beledweyne University ayaa haddana dhinaca kale waxaa xusid in wali dhismaheedu socda Jaamacada Hiiraan University oo la oran karo hadii la dhameystiro dhismaheeda waxaa ay noqon doontaa mid ka mid ah Jaamacadaha ugu waaweyn Dalka Soomaaliya marka laga eego dhinaca baaxada, waxaana la filiyaa in dhawaan la soo dhameeyo dhismaheeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com