3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 18, 2009
Banaanbaxyo lagu taageerayo ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya oo ka dhacay Gobollada Hiiraan, Shabeeleha Dhexe iyo Banaadir

Axad, January 18, 2009(HOL): Magaalooyinka Muqdisho, Jowhar iyo Beledweyne ee Gobollada Banaadir, Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa maanta waxaa ka dhacay banaanbaxyo lagu soo dhaweynayay bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah Soomaaliya.

Banaanbaxa ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay soo qaban-qaabiyeen Haweenka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah haweenkii soo qaban qaabiyay, kuwaasi oo sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayaan bixitaanka Ciidamada Itoobiya, iyagoo dhinaca kalena ka dhigay dagaallo Muqdisho ka dhaca kadib bixitaanka Ciidamada Itoobiya.

Banaanbaxa ka dhacay Jowhar oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Islaamiga ah ee Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa isna lagu soo dhaweynayay bixitaanka Ciidamada Itoobiya, wuxuuna Guddoomiyaha Maamulkaas Macallin Daahir Caddow Calasow uu u sheegay dadkii isu soo baxay in Ciidamadii Itoobiyaanka lagu bixiyay Wada hadal iyo dagaal, intaas kadibna waxaa uu sheegay in inkastoo ay Itoobiyaanka baxeen ay hadana Muqdisho joogaan Ciidamo kale oo shisheeye ah oo hubeysan, “gaal iyo gaal waxba isma dhaamaan, haddii kuwii Itoobiyaanka ahaa baxeen waxaa jooga kuwo kale oo hubeysan”ayuu yiri Macallin Caddow Calasow oo ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay midnimo la yimaadaan, si uusan uga faa’iideysan cadawgooda.

Banaanbax kuwaas la mid ah ayaa wuxuu sidoo kale maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Gobolka Hiiraan, waxaana dadkii isu soo baxaas isugu yimid la hadlay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Macow ayaa dadkii isu soo baxay u sheegay in ay ugu horeyn Allaah uga mahad-naqaan Ciidamadii uu ka dul-qaaday, wuxuuna kadib ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha is-qabsadaan, isla markaana ay uga tashadaan sidii ay Kitaabka Alle isugu xukumi lahaayeen.

“Waxaan ku dadaali doonnaa in aan dhibaatada ka saarno dadkeena oo muddo dheer dhibaato ku soo jiray”ayuuna yiri Shiikh C/raxmaan Macow oo dhanka kalena Xoogagga Muqaawamada ugu baaqay in ay midoobaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia













Click here
1/18/2009 8:32 AM EST
Axad, January 18, 2009(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu ku eedeeyay dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Mucaskarka Raas-kambooni in aysan dooneynin in ay nabad ka dhalato Magaalada Muqdisho.

1/18/2009 8:31 AM EST
Axad, January 18, 2009(HOL): Ardayda wax ka barata qeybaha kala duwan ee Jaamacadda Muqdisho faraca Puntland ayaa marka ay Taariikhdu ku beegneyd 17/0l/2009 waxa ay u fariisteen Imtixaankii finalka semesterka 1aad ee sanad Dugsiyeedka 2008 - 2009 Imtixaankan socondoona mudo 10 casho ah,waxaana maalin walba ay ardaydu gali doonaan mid ka mid ah moodooyinka ay dhigtaan.

1/18/2009 4:13 AM EST
Axad, January 18, 2009(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay dagaalkii ugu horeeyay tan iyo markii ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxeen Khamiistii aynu ka soo gudubnay.

1/18/2009 4:13 AM EST
Axad, January 18, 2009(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ka digay in la sii barakiciyo Dadkii Muqdisho ka barakacay oo maalamahan bilaabay in ay ku soo noqdaan guryahooda kadib markii ay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ka baxeen Magaalada Muqdisho.

1/18/2009 4:12 AM EST
Axad, January 18, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in uu degmadaas ka bilowday barakac ay sameynayaan dadkii halkaas ku dhaqnaa.

1/18/2009 4:11 AM EST
Axad, January 18, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in ay xalay degmadaas gaareen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ka baxay Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

1/18/2009 4:11 AM EST
Axad, January 18, 2009(HOL): Madaxwaynaha DGPL C/rixmaan Maxamed Faroole ayaa habeenkii xalay ahayd soo magacabay golihiisa wasiirada ,kuwaasi oo ka kooban 16 wasiir iyo ku xigeenadooda si ay u badalaan wasiirradii xukuumaddii Cadde. Xukuumadda Madaxwayne Faroole oo wax badan kaga duwan kuwii horay Puntland u soo maray ayaa laga dhur sugayaa in ay la yimaadaan wax qabad dhaba ah.

1/18/2009 4:10 AM EST
Axad, January 18, 2009(HOL): Mas'uuliyiinta Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya xili meel fagaaro ah ay kala hadlayeen dad aan tiro badneyn oo isku soo baxay.

1/18/2009 4:09 AM EST
Axad, January 18, 2009(HOL): Waxaa xalay xaafadda Laanta Hawada ee magaalada Boosaaso lagu dilay nin ganacsade ah, kaasi oo si weyn looga yaqaanay gudaha DGPl, Waxaana dilkiisa gaystay dhalinayro afka soo duubtay.