4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 18, 2009
Maamulka Gobolka Banaadir oo Ururrada Al-Shabaab iyo Raas-Kambooni ku eedeeyay in aysan rabin Nabad ka dhalata Magaalada Muqdisho

Axad, January 18, 2009(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu ku eedeeyay dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Mucaskarka Raas-kambooni in aysan dooneynin in ay nabad ka dhalato Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/Fataax Ibraahim Sabriye Shaawey ayaa eedeynta uu u jeediyay labadaas urur waxaa uu ku sababeeyay in ay ku goodiyeen in ay weerari doonaan Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan, taasi oo uu sheegay in ay ka soo horjeedo Nabad ka dhalata Magaalada Muqdisho.

“Abuu Mansuur waxaan u sheegeynaa haddii uu rabo in uu dagaallamo Itoobiya waxay joogtaa Bay ee ha ahaado ee yuusan dhihin waxaan weerarayaa KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Ninka u hadlay Raas-kamboonina waxaan u sheegeynaa in uu dhulkiisa ka jihaado”ayuu yiri C/fataax Shaawey oo sheegay in dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay nabad u baahan yihiin.

C/fataax Shaawey oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho aysan dareensaneyn in laga soo horjeedo nabad ay helaan, “Haddii Itoobiyaan lala dagaalamayay Ciidamadii Itoobiyaanka waa baxeen, waxa isu soo harayna waa Dadka Muqdisho oo laga rabo in ay danahooda gartaan”ayuu mar kale yiri C/fataax Shaawey.

Hadalkan uu sii daayay C/fataax Shaawey ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo saraakiil u hadlay Al-Shabaab iyo Mucaskarka Raas-Kambooni ay sheegeen in ay weerari doonaan Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia