3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 18, 2009
Dagaalkii ugu horeeyay oo xalay Muqdisho ka dhacay kadib bxiitaankii Ciidamada Itoobiya

Axad, January 18, 2009(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay dagaalkii ugu horeeyay tan iyo markii ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxeen Khamiistii aynu ka soo gudubnay.

Dagaalka xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira geystay ayaa wuxuu dhexmaray Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeday.

Dagaalka oo labo jeer dhacay ayaa midkii horeeyay waxaa lagu qaaday Ciidmada Burundi ee fariisinka ku leh Kuliyaddii Jaalle Siyaad, iyadoo madaafiic dagaalkaas la isugu adeegsadayna ay sababtay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca 7 ruux oo kale, kuwaasi ku sugnaa nawaaxiga Isgoyska Howl-Wadaag.

Dagaalkii labaad oo dhexmaray Ciidamada Uganda ee ku sugan ee Wadada Makka Al-Mukarrama ayaa wuxuu sababay dhimashada 3 ruux iyo dhaawac intaas ka badan, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo ay guryahooda ugu tageen madaafiicdii la isku ridayay.

Dagaalka xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu wel wel iyo walaac ku abuuray dad badan oo beryahan ku soo noqonayay guryahooda, kuwaasi oo muddo labo sano ah qax ugu maqnaa duleedyada Muqdisho.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo saraakiil u hadlay Al-Shabaab iyo Mucaskarka Raas-Kambooni ay sheegeen in ay weerari doonaan Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia













Click here
1/18/2009 8:33 AM EST
Axad, January 18, 2009(HOL): Magaalooyinka Muqdisho, Jowhar iyo Beledweyne ee Gobollada Banaadir, Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa maanta waxaa ka dhacay banaanbaxyo lagu soo dhaweynayay bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah Soomaaliya.

1/18/2009 8:32 AM EST
Axad, January 18, 2009(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu ku eedeeyay dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Mucaskarka Raas-kambooni in aysan dooneynin in ay nabad ka dhalato Magaalada Muqdisho.

1/18/2009 8:31 AM EST
Axad, January 18, 2009(HOL): Ardayda wax ka barata qeybaha kala duwan ee Jaamacadda Muqdisho faraca Puntland ayaa marka ay Taariikhdu ku beegneyd 17/0l/2009 waxa ay u fariisteen Imtixaankii finalka semesterka 1aad ee sanad Dugsiyeedka 2008 - 2009 Imtixaankan socondoona mudo 10 casho ah,waxaana maalin walba ay ardaydu gali doonaan mid ka mid ah moodooyinka ay dhigtaan.

1/18/2009 4:13 AM EST
Axad, January 18, 2009(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ka digay in la sii barakiciyo Dadkii Muqdisho ka barakacay oo maalamahan bilaabay in ay ku soo noqdaan guryahooda kadib markii ay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ka baxeen Magaalada Muqdisho.

1/18/2009 4:12 AM EST
Axad, January 18, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in uu degmadaas ka bilowday barakac ay sameynayaan dadkii halkaas ku dhaqnaa.

1/18/2009 4:11 AM EST
Axad, January 18, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in ay xalay degmadaas gaareen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ka baxay Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

1/18/2009 4:11 AM EST
Axad, January 18, 2009(HOL): Madaxwaynaha DGPL C/rixmaan Maxamed Faroole ayaa habeenkii xalay ahayd soo magacabay golihiisa wasiirada ,kuwaasi oo ka kooban 16 wasiir iyo ku xigeenadooda si ay u badalaan wasiirradii xukuumaddii Cadde. Xukuumadda Madaxwayne Faroole oo wax badan kaga duwan kuwii horay Puntland u soo maray ayaa laga dhur sugayaa in ay la yimaadaan wax qabad dhaba ah.

1/18/2009 4:10 AM EST
Axad, January 18, 2009(HOL): Mas'uuliyiinta Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya xili meel fagaaro ah ay kala hadlayeen dad aan tiro badneyn oo isku soo baxay.

1/18/2009 4:09 AM EST
Axad, January 18, 2009(HOL): Waxaa xalay xaafadda Laanta Hawada ee magaalada Boosaaso lagu dilay nin ganacsade ah, kaasi oo si weyn looga yaqaanay gudaha DGPl, Waxaana dilkiisa gaystay dhalinayro afka soo duubtay.