4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 18, 2009
Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye oo ka digay in la sii barakiciyo Dadkii Muqdisho ka barakacay oo soo noqonaya

Axad, January 18, 2009(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ka digay in la sii barakiciyo Dadkii Muqdisho ka barakacay oo maalamahan bilaabay in ay ku soo noqdaan guryahooda kadib markii ay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ka baxeen Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Dhaqanka iyo Midka Siyaasadda ee Golahaas oo kala ah Axmed Diiriye Cali iyo C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) ayaa labaduba waxay ka digeen in dagaallo laga rido magaalada Muqdisho, isla markaana ay dagaalladaas ka dhashaan khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeed.

Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diirye Cali ayaa sheegay in uu ujeeddo gaar ah u arkayo in dagaallo kale laga abuuro magaalada Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay dadka doonaya in ay dagaallo qaadaan in ay arrintaas ka waantoobaan.

“Dagaalkii ay ku jireen dadkan ku dhaqan Magaalada Muqdisho wuxuu ahaa mid ay uga soo horjeedeen Ciidamada Itoobiya, Ciidamadaasna waa baxeen, marka waxaan leeyahay dagaal dambe oo khasaare geystay yuusan magaaladan ka dhicin”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali oo ka digay in weerar lagu qaado Ciidamada Amisom.

“Ciidamada Uganda iyo Burundi xad nalama lahan, dhibaato gaar ah oo ay dadkan ku haayaanna ma jirto, sidaas darteed waxaan leenahay yeysan dhicin in inta xabad lagu rido ay iyaguna madaafiic ku garaacaan dad guryahooda ku soo noqonayay, haddii ay taasi dhacdo waxay noqon doontaa in shacabka kaco oo uu iska qabto kuwa doonaya in ay dhexdooda dagaallada ka qaadaan”ayuu mar kale yiri Axmed Diiriye Cali oo sheegay in Ciidamada Amisom oo aan dagaal ku soo gelin Soomaaliya ay bixi doonaan haddii arrintaas lagala hadlo.

Sidoo kalena, Afhayeenka Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) ayaa isna ka digay in dagaallo lagu qaado Ciidamada Amisom, taasina ay keento in ay khasaarooyin ka gaaraan dadka rayidka ah.

“Dhibaatada ugu weyn ee meeshan taala waxay ahayd Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa, iyagiina wey naga tageen, marka waxaa is-weydiin leh ma in dadka guryahooda ku soo noqdaan baa mise in la sii barakiciyo oo dagaallo kale loo abuuro?, taasi waxaan qabaa in ay cid kasta fahmi karto”ayuu yiri C/llaahi Dheere.

C/llaahi Dheere waxaa uu sheegay in Ciidamada Amisom ay yihiin kuwo aan soo dhaafin meelaha ay Muqdisho kaga sugan yihiin, sidoo kalena aan ugaarsaneyn Culumaa’udiinka iyo dadka bulshada u dhaqdhaqaaqa, sidaas darteedna wuxuu ku baaqay in caqliga shaqeeyo oo aan weerarro lagu qaadin.

Waxaa uu ka hadlay C/llaahi Dheere Jihaad ka dhan ah Ciidamada Amisom oo ay ku baaqeen qaar ka mid Xoogagga Muqaawamada, wuxuuna sheegay in uu la yaaban yahay Jihaadka Muqdisho kaliya ku ansaxaya ee aan ku ansaxeynin meelaha kale ee ay ku sugan yihiin Ciidamada Shisheeye, “Arrintaas ujeeddo gaar ah ayaan u arkeynaa iyo in la doonayo in la dhibaato dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho”ayuu yiri C/llaahi Dheere.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia