4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 18, 2009
Barakac ka bilowday Baardheere

Axad, January 18, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in uu degmadaas ka bilowday barakac ay sameynayaan dadkii halkaas ku dhaqnaa.

Dadkani oo isugu jira kuwo horay u deganaa Degmada Baardheere iyo kuwa ka cararay Dagaallada Muqdisho ayaa waxay sheegeen in ay u barakacayaan sabab la xiriirta amni darro la soo deristay iyo weliba dagaallo xooggan oo habeennadii aanu ka soo gudubnay ka dhacayay degmadaas oo dadkeeda aaney horay u aqoonin dagaallo noocaas oo kale ah.

Qaar ka mid ah Dadkani oo  u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in  ay naftooda ula baxsanayaan Tuulooyinka u dhow Degmada Baardheere, waxayna caddeeyeen in ay u adkeysan waayeen dagaallo dushooda ka dhacay.

Xuseen Cali Biixi oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Degmada Baardheere ayaa isna ka hadlay dhibaatada ay dadka ku qabaan dagaallada dhacay iyo weliba kuwo ay suurtagal tahay in ay ka dhacaan, wuxuuna intaas ku daray in dadka meelaha ay u barakacayaan uu yahay dhul baadiye ah oo aysan dadka qaarkiis ku noolaan karin.

Barakaca dadkan ayaa waxaa keenay dagaallo ka dhacay degmada, kuwaasi oo dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Maleeshiyooyin Soomaali ah oo la socda iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo ay jirto cabsi ku saabsan in ay dhacaan dagaallo kale oo noocaas oo kale ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia