4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 18, 2009
Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee Muqdishoc iyo Afgooye ka baxay oo ka gudbay Magaalada Baydhabo

Axad, January 18, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in ay xalay degmadaas gaareen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ka baxay Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

Ciidamadan oo wata gaadiidkooda dagaalka iyo kuwa saadka iyo ciidamada qaada ayaa waxay ka gudbeen Magaalada Baydhabo, waxayna u tallaabeen dhinaca deegaanka Boonkaay oo duleedka Baydhabo ah.

Lama oga in Ciidamada ay halkaas degi doonaan iyo in ay sii wadan doonaan safarkooda oo markaasina ay aadi doonaan dalkooda. Ciidamadan ayaa muddo labo maalmood ah waxay ku sii jireen wadada isku xirta Magaalooyinka Afgooye iyo Baydhabo, waxaana safarka ku dheereeyay iyadoo ay Ciidamada meelaha qaarkood lugeynayay, isla markaana ay iska ilaalinayeen weerarro uga yimaada dhinaca xoogagga ka soo horjeeda.

Saaka markii uu waaga barayay ayay dadka Baydhabo ku waabariisteen iyadoo ay magaalada dhex socdaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo dabaabaadkooda wata, kuwaasi oo ay ilaalinayaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo horay ugu sii sugnaa magaalada Baydhabo.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa magaalada Muqdisho waxay ka baxeen 15-kii bishan, iyagoo maalin kadibna ka baxay Degmada Afgooye oo ay fariisin weyn ku lahaayeen, waxaana ka bixitaankooda Muqdisho iyo Afgooye si weyn u soo dhaweeyay dadka halkaas ku dhaqan oo ay culeysyo kala duwan ku hayeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia