4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 18, 2009
Mas'uuliyiinta Maamulka Islaamiga G/Hiiraan oo soo dhaweeyay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya
Axad, January 18, 2009(HOL): Mas'uuliyiinta Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya xili meel fagaaro ah ay kala hadlayeen dad aan tiro badneyn oo isku soo baxay.
 
Shiikh Faarax Macalin Max'uud oo ahaa Guddoomiyihii Midowgga Maxkamadaha Goballka Hiiraan ka hor inta aysan Ciidamada Itoobiya soo galin gudaha Dalka Soomaaliya oo ka mid ahaa xubnihii ka hadlay fagaaraha Xarunta Maamulka Goballka Hiiraan ayaa sheegay in arin lagu Xamdiyo tahay in maata Dowladda Itoobiya garwaaqsatay in ay Ciidamadeeda ka saarto Dalka Soomaaliya kadib markii ay la kulmeen dagaalo iyo weeraro shacabku kaga soo horjeedo gumeysiga.
 
Shiikh Faarax waxaa uu intaa ku daray in mar hadii ay meesha ka baxeen Ciidamadii dhiiga badan loo daadiyay, hantida loo bur buriyay, shacabkana loo barkaciyay, loo baahan yahay in laga foojignaado dagaal sida uu hadalka u dhigay dhaxmara kooxihii halganka soo wada galay si arintaa uusan ugu farxin Cadawga.
 
"Maanta idhaha ayaa lagu wada hayaan sida ay u dhaqmi doonaan kooxaha Mujaahidiinta, waxaana suurta gal ah in Cadowgu aaminsan yahay in ay dagaalami doonaan, hase ahaatee waa ilaah mahadii hadii aysan taa dhicin ayuu intaa sii daba dhigay Shiikh Faarax dhinaca kale ku tilmaamay bixitaanka Ciidamada Itoobiya mid ku yimid dhiiga Mujaahidiinta.
 
Sidoo kale waxaa hadal kooban jeediyay Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan oo sheegay in farxada ay la qeybsanayaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo markii ay baxeen Ciidamada Itoobiya siweyn u soo dhaweeyay.
 
Inkastoo fagaaraha Xarunta Maamulka Goballka ay soo xaadireen dhamaan Mas'uuliyiinta Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan ayaa hadana waxaa la oran karaa ma aheyn tiradii loo baahnaa dadka isku soo baxay, waayo  dadka qaarkii ayaa u arkyay in Dabadbaxu ahaa mid ka soo dib dhacay waqtigii loo baahnaa.
 
horay ayaa waxaa u soo dhaweeyay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimada Muqdisho shacabka ku dhaqan Magaalada iyo waliba Golaha Aqoonnyahanada Goballka Hiiraan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia