10/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 1 , 2009
Ciyaaraha CECAFA 2008: Xulka K/cagta Soomaliyaa oo laga badiyay ciyaartii ugu horeysay.

Hiiraan Online
Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Tuesday, December 30, 2008

Khamiis, January 01, 2009(HOL): Xulka wadanka Zanzibar ayaa galabta 2-0 ku dhiftay dhigiisa wadanka Soomaliyaa, waxaana ciyaartaas oo aad u xiiso badneyd ay ka dhacday garoonka Namboole ee magaaladda Kampala, waxaana ciyaartaas daawadashadeeda ka soo qeyb galay taageerayaasha xulka Soomalid ee uu horkacayay Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Uganda Danjire Sayid Axmed Sheekh Daahir.


 
qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0, waxaana xulka Zanzibar goolkaas u saxiixay laacibkooda difaaca Aggrey Morris daqiiqadii 31-aad gool lama filaan ah dhex dhigay shabaqa Soomaaliya, waxana goolkaas dhalashadiisa sababay qalad uu galay Goolhayaha xulka Soomaaliya C/qaadir Cisman Bakiyaa oo soo istaagay meel ka dheer shaqbaqa bannaankiisa, kaddibna Marriso uu dhexda ka toogtay shabaqa Soomaaliya.
 
Xulka Soomaaliya wuu ka ciyaar wanaagsaa Zanzibar, waxaana jiray dhowr fursadood oo qaali ah oo soo maray weeraryahanada xulka Soomaaliya ee Ciise Abshir, Sayid C//le iyo Yuusuf Cali, hase ahaatee garsoorihii ciyaarta dhex dhexaadinayay Charles Batte oo u dhashay wadanka Uganda ayaa rigoore qalad ah ka dhigay difaaca Somaaliya Anwar Ali, waxaana rigooradaas lagu abaal mariyay inuu dhaliyo Omar Juma, waxaana guud ahaan ciyaartu u ku soo gaba-gabowday 2-0 oo guushu ku raacday wadanka Zanzibar.


 
Tababaraha Xulka Soomaaliya Maxamed Cabdi Faarax (Geela) oo dhamaadkii ciyaarta kaddib aaan la shgeekeystay ayaa ii sheegay "Garsoore Batte wuu naga eexday, waayo wuxuu naga dhigay rigoore aan u qalmin in la dhigo, sidaas oo kale wuxuu noola muuqday inuusan dhex dhexaad aheyn, waayo firimbigiisa wuu nagu soo jeeday, Ciyaartooyda Soomaaliya waxay muujiyeen ciyaar wanaag, waxayna u qalmeen in ay badiyaan, laakiin ciyaaaraha kale ee soo socda ayaan saxeynaa wixii naga qaldamay, waadna la socotaa in Kubaddu cad iyo madoow tahay, ma xuma sida xulkeygu u ciyaaray galabta".
 
Kabtanka Soomaaliya Ciise Aaadan Abshir ayaa ii sheegay in markii uu arkay ciyaarta ay soo bandhigeen ciyaartooda Soomaaliya ay ka xirfad wanaagsaneyd kuwii hore ee xulka Soomaaliya uu ciyaari jiray, wuxuuna sheegay in ciyaartooyda ka soo safray dibada ay wax badan soo kordhin doonaan, mustaqbalkana ay anfacayaan xulka dalkeena.
 
Macallinka xulka Zanzibar Badrel Din oo u dhashay wadanka Masar oo aan wax ka weydiiyay sida uu u arko guusha uu xulkiisu ka gaaray wadanka Soomaaliya ayaa yiri "Waan ku faraxsanahay guusha xulkeyga uu gaaray, waxaana doonayaa in aan guul darro midan la mid ah u saariyo xulalka Uganda iyo Rwanda oo aan qeybta A ku wada jirno, waad arkeysay ciyaartooyda xulka Zanzibar waa kuwa aad u da'yar, waxayna u ciyaarayaan si la mid ah sida ay u ciyaarto kooxda Zamalik ee wadanka Masar oo aan tababare u soo ahaa muddo dheer"
 
Taageerayaasha xulka Soomaaliya oo aahaa kuwa 4-jibaar ka badnaa kuwa wadanka Zanzibar ayaa ka soo baxay xaafadda Soomaalida ee Kesenyo oo 10-km u jirta garoonka ciyaartaas ka dhaceysay, waxaana basaska taageerayaasha soo dal dalayay lacagtooda bixiyay Taageerayaa kale ee Soomaaliyeed oo ka soo safray magaaladda London ee wadanka Ingiriiska, waxaana ka mid ah General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), C/qaadir Mamed Faarax (Biriq) Maxmuud Nuur Xasan (Kaaji) iyo Maxamuud Ismaacil, waxayna ragaas ugu baaqeen dhigooda ku nool wadamada Yurub iyo America in ay u soo baxaan xulkooda, lana soo garab istaagan hiil iyo hoo intaba, kana qeyb qaataan horumarinta Sports Soomaaliyeed.
 
11-ka ciyaaryahan ee macallin Geela u soo xushay bilwoga ciyaarta ahaa kala ahaa :- C.qaadir Bakiyaa, Yaasiin Cali, Yusuf Cali, Maxamed cali, Anwar Cali, Shiino Yaasiin, C/caziiz Maxamed, Xasan Cali, Cali Baashir, Ciise Aaadan iyo Sayid C/lle.


 
Dhina kale ciyaartii 2-aad ee maanta dhacday oo aheyd mid aad u xiiso badan ayaa dhex martay Wadamada Uganda iyo Rwanda, waxaana ciyaartaas 4-0 guushu ku raacday wadanka Uganda oo sanadkan marti galinaya ciyaaraha CECAFA 2008, waxaana qeybta B xulalku u kala horeeyaan:-

No

Wadan

Dhibco

1 Uganda 3
2 Zanzibar 3
3 Tanzania 0
4 Soomaaliya 0
5 Rwanda 0

Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Kampala, Uganda
Email [email protected]
Mobile +256 774228112