Ould Abdallah oo is-barbar dhigay Warbaahinta Soomaaliya iyo Radio Mille Collines oo buun-buuniyay Xasuuqii Rwanda
|
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah |
Arbaco, February 04, 2009(HOL): Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah ayaa wuxuu wax ay Saxaafadda buun-buunisay ku tilmaamay Dad ay Ciidamada Amisom ku dileen Wadada Maka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.
Ould-Abdallah waxaa uu si caro leh uga jawaabay warar soo baxay oo sheegayay inay Ciidamada Amisom xasuuqeen Dad rayid ah oo Muqdisho ku sugan, wuxuuna wararkaas ku tilmaamay kuwo la doonayay in lagu rogo dareenka horumarka wanaagsan leh ee hadda ka jira Soomaaliya. Ould Abdallah waxaa uu ku baaqay in la joojiyo wararka aan sugneyn ee laga qoro Soomaaliya bannaankeeda, kuwaasi oo laga soo xigto wariyayaal ku sugan gudaha Soomaaliya oo ay culeysyo heystaan.
Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabulsan Arrimaha Soomaaliya Ould-Abdallah waxaa uu intaas ku daray in warbixintii lagu sheegay in ay Ciidmada Amisom ay xusuuq geysteen ay ahayd mid been abuur ah oo dagaal warbaahineed ah, wuxuuna caddeeyay in la doonayo in warbixintaas wax lagu yeelo dadaallada nabadeed ee Soomaaliya ka socda.
Warbaahinta warka arrintaas sii deysay ayuu Ould Abdallah bar-bar-dhigay Radio Mille Collines oo si weyn u buun-buuniyay xasuuqii Rwanda, “warbixinnada la soo gudbiyay waxay ahaayeen kuwo la doonayay in lagu rogo dareenka waxa ka socda halkan, si caadi ahna warbaahinta warkaas sheegay waxay la mid yihiin Radio Mille Collines”ayuu yiri Ahmedou Ould Abdallah oo u waramayay Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA-da.
Waxaa uu intaas ku daray Ould Abdallah in qaar ka mid ah Wakaaladaha Wararka ay ay Wariyayaal ku leeyihiin Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Wariyayaashaas ay yihiin kuwo la kulma cadaadisyo iyo hanjabaado soo gaara, kuwaasi oo ku xambaara in ay ka tanaasulaan sheegista xaqiiqda jirta.
Wakaalaha ay Wariyayaashaas la shaqeeyaan ayuu ugu baaqay in ay hubin ugu laabtaan ilaha ay wararka uga imaanayaan, gaar ahaan kuwa ay soo xiganayaan Wariyayaashooda ku sugan Soomaaliya maxaa yeelay buu yiri waxay ku nool yihiin Wariyayaashu culeys-saar weyn, isagoo carrabkana ku dhuftay in uu hubo in wariyayaasha ay yihiin kuwo khibrad u leh waxa ay qabanayaan.
Haddaba hadalka uu sii daayay Ould Abdallaha ayaa waxaa ka jawaabay qaar ka mid ah wariyayaasha la shaqeeya wakaalaha iyo kuwa la shaqeeya idaacadaha gudaha, waxayna sheegeen in Ould Abdallah uu u jeediyay eedeyn aan sax ahayn, iyagoo sheegay in ay kaliya tebiyeen warar ay ka soo xigteen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo howl-wadeenno caafimaad.
Xasan Mutawakil oo wariyayaashaas ka mid ah ayaa sheegay in Ould Abdallah uu is-bar-bar-dhigay wax aan is-qaban karin oo ah tebinta xasuuqii Rwanda ka dhacay 1993-1994 iyo sida loo tebiyay dhibaatadii ay geysteen Ciidamada Amisom, “Rwanda waa dal uu ka dhacay xasuuq ay isu geysteen dad dal ku wada dhaqan, laakin Soomaaliya waxa ka dhacay waa Ciidamo Shisheeye oo xasuuqaya dad ay ugu yimaadeen in ay wax u qabtaan”ayuu yiri Wariye Xasan Mutawakil.
Sidoo kalena, waxaa ka jawaabay eedeyntaas Shiikh Nuur Baaruud Gurxadn oo ka mid ah Culumaa’udiinka musaalaxada iyo sixitaanka, wuxuuna sheegay in aysan Ould Abdallah ka yeeleynin in uu dabool saaro dhibaatadii ay Ciidamada Amisom Muqdisho ka geysteen, “Waxaan leenahay Ould Abdallah annaga ayaa halkan joogna oo ka war qabna waxa jira, marka adiga oo ku mahadsan dadaalkii aad u gashay dib u heshiisiinta Soomaalida oo abaal lagaaga hayo haku sifoobin in aad dafirto dhibaatada ay Ciidamada Amisom u geysteen Shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Shiikh Nuur Baaruud Gurxan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia