7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2009
Isgaarsiintii Degmada Xudur oo hawada ku soo noqotay

Khamiis, February 12, 2009(HOL): Waxaa saaka hawada dib ugu soo noqotay Isgaarsiintii Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ku xiri jirtay guud ahaan caalamka iyo gaar ahaan gobollada kale ee Dalka Soomaaliya.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa isgaarsiinta degmadaas hawada ka maqneyd, waxaana amarka hawada looga bixiyay lahaa mas’uuliyiinta maamullada gobollada Bay iyo Bakool iyo XIldhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka SOomaaliya.

Lama oga sababta ay mas’uuliyiintaas hawada uga bixiyeen isgaarsiinta degmada Xudur, waxaase loo maleynayaa in ay salka ku heyso xiisad dagaal oo maalmihii aanu ka soo gudubnay ka oogneyd deegaanno hoos yimaada degmadaas, iyadoo xiisadddaasna ay u dhaxeysay Xoogag u kala daacad ah mas’uuliyiinta Dowladda ee ku sugan Xudur iyo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Xiisaddaas ayaa waxaa qaboojiyay Odayaasha iyo Waxgaradka Digil iyo Mirifle, kuwaasi oo wada hadallo gooni gooni ah la yeeshay mas’uuliyiinta  Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Federaalka eek u sugan Gobollada Bay iyo Bakool.

Isgaarsiinta Degmooyinka waa weyn ee Gobollada Bay iyo Bakool ayaa hawada laga saaraa mar kasta oo ay dhinacyada ka taliya gobolladaas ay sameynayaan dhaqdhaqaaqyo dhinaca mileteriga ah, waxayna awaamiirta isgaarsiinta lagu daminayo ay aad u soo bixi jireen intii ay Ciidamada Itoobiyaanka ku sugnaayeen Gobolka Bay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia