10/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 24, 2009
Maamul Goboleedka Puntland oo sameystay Calan, Astaan iyo Hees u gaar ah (DAAWO SAWIRRADA ASTAAMAHA)

Khamiis, 24, Dec, 2009 (HOL)  Maamul Goboleedka Puntland ayaa sameystay Calan, Astaan iyo hees u gaar ah, iyadoo seddexdaas astaamoodna uu soo bandhigay maamulka.

Dr. Cabdi Xasan Jimcaale Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dastuurka iyo Federaalka Puntland ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da uga warramay Astaamaha uu sameystay maamulka Puntlanad wuxuuna wasiiru-dowlaha sheegay in Dastuurka Puntland uu dhigayo in ay seddexdaba sameystaan.

Qodobka 11aad ee Dastuurka Puntland ayaa dhigaya in aan astaamahaas gaarka sameysanno, habka federaalka ayaana ogolaanaya in maamullada federaalka ah ay yeeshaan calan iyo astaan u gaar ah, tusaale ahaan Gobollada Mareykanka mid kasta Calan gaar ah ayuu leeyahay midka weyn ee dowladda dhexe ayay isugu yimaadaan”ayuu yiri Wasiiru-Dowlaha Dastuurka iyo Federaalka Maamul Goboleedka Puntland.

Mar la weydiiyay Wasiiru-Dowlaha weydiin ku saabsaneyd in uu jiro tuhun laga qabo Puntland oo ah in ay mustaqbalka u socoto in ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale ayaa wuxuu sheegay in Puntland ay u taagan tahay muddo dheerna ay u taagneyd soo celinta Dowladnimadii Soomaaliya.

“Waxaan u taagan nahay baadi-doonka Qaran Soomaaliyeed muddo 20 sano ayaana u taagan nahay soo celinta qarannimadii Soomaaliya, meel gaar ahna uma socono oo aan ka ahayn in aan habka federaalka ku soconno”ayuu yiri Dr. Cabdi Xasan Jimcaale.



CALANKA PUNTLAND


ASTAANTA PUNTLAND


HEESTA PUNTLAND

Puntland barwaaqiyo
Baro weeye nabadeed
Bulsha caafimaadbaa
Mawlahay ku beeroo
Barkhadbaa u hoyatee

Waa dhul beri-samaadloo
Baaxaddiisu weyntoo
… Baaxaddiisu weyntoo
Macdan baa ka buuxdee

Boocamiyo Galdogob iyo
Badhan baa ku taallee
Boosaaso iyo Ayl
Baylaa ku taallee

Bilan Gaalkacyiyoo
Bilicsame Garoowiyo
Beled Laasacaano
Buuhoodlaa ku taallee

Laasqoray baddeediyo
Xaafuun bidhaan wacan
Buuniga Qardho iyo
Ceerigaabo waad u bogi

Hooriska:
PUNTLAND PUNTLAND

Waa beyd nimcadu taal
Baahi laguma seexdoo
Barbarkaad u eegtaba
Waa wada baraaree
Rabbow noo badbaadi
BADBAADI…RABBOW NOO BADBAADI

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya