Horyaalka 11aad ee Wiilasha iyo Gabdhaha K/Gacanta Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Sabti, April 18, 2009(HOL): Waxaa shalay si rasmi ah uga furmay Garoonka Kubadda Kolayga 1-da Luulyo Ex-Luujino Horyaalka 11aad ee Wiilasha iyo Gabdhaha Kubadda Gacanta Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeybgelayaan 14 kooxood oo Wiilal iyo Gabdho isugu jir.
Horyaalkan oo ay ka qeybgelayaan Kooxo Wiilal iyo Gabdho isugu jira ayaa waxaa furitaankiisii ka qeybgalay Mas’uuliyiin ka socday Wasaarada Dhalinyarada Isboortiga iyo Guddiga Olombikada Soomaaliyeed.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya Saleebaan Colaad Rooble ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in uu ka soo qeybgalo furitaanka Horyaalka 11aad ee Kubadda Gacanta Soomaaliya, wuxuuna u rajeeyay Xiriirka Kubadda Gacanta iyo Kooxaha iyo Ciyaartoyda in ay guuleystaan habsami-u-socodsiinta horyaalka.
Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Wiish oo isna furitaanka Horyaalka ka hadlay ayaa sheegay in Xiriirka Kubadda Gacanta uu ka mid yahay Xiriirrada ugu firfircoon Xiriirrada Soomaaliyeed ee hoos-yimaada Guddiga Olombikada Soomaaliyeed wuxuuna u rajeeyay Xiriirka K/Gacanta guul iyo horumar.
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan Eenow ayaa isna furitaanka Horyaalka ka hadlay, wuxuuna sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in ay noqdaan Xiriirkii ugu horreeyay oo horyaal qabta tan iyo wixii ka dambeeyay markii la doortay madaxda Xiriirrada Soomaaliyeed ee kala duwan.
Mr. Eenow waxaa uu mahadceliyay guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo uu sheegay in aysan la’aantiis qabsoomi lahayn Horyaallada is-xig-xiga ee uu Xiriirkooda qabto, sidoo kalena wuxuu u mahadceliyay, Macallimiinta, Ciyaartoyda, Garsoorayaasha iyo weliba Dadweynaha u soo daawasho taga Ciyaaraha Kubadda Gacanta.
Xiriirka Kubadda Gacanta Soomaaliya ayaa wuxuu ka mid yahay Xiriirrada ciyaaraha uu soo qabanqaabiyo ay sida weyn u jecel yihiin dadweynaha ku dhaqan Magaalada Muqdisho, wuxuuna safka hore kula jiraa Xiriirrada Kubada Cagta iyo Kubadda Kolayga Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, ciyaartii shalay lagu furay Horyaalka 11aad ee Kubadda Gacanta Soomaaliya ayaa waxaa isaga horyimid Kooxaha Wiilasha Kubadda Gacanta Soomaaliya Heegan iyo Olympic Fitness Center, waxaana 28--8 ku badiyay Kooxda Kubadda Gacanta Heegan.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya