11/14/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 11, 2009
Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo ka hadlay heshiiskii ay wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya


Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur


Sabti, April 11, 2009(HOL): Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay heshiis is-faham ah oo dhexmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo ku saabsanaa xuduud-badeedyada labada dal.

Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya C/raxmaan C/Shakuur Warsame iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Moses Watengula ay ku heshiiyeen in qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya ay Kenya qaadato.

“Arrintaas waa mid aan si weyn uga soo horjeedno, waxaana leenahay kuwa iibiyay iyo kuwa iibsaday Badda Soomaaliyeed ha lala dagaallamo”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo Kenya uga digay in ay qaadato dhulka Soomaaliyeed.

Abuu Mansuur waxaa kale oo uu shirkiisa jaraa’id uga hadlay soo jeedintii Culimada Soomaaliyeed ee ahaa in Ciidamada Amisom dalka looga saaro 120 maalmood gudahood, wuxuuna sheegay in hadalkaas culimada uu ahaa mid aaney waxba ka jirin.

“Ciidamo la saaro iska daaye, kuwo hor leh ayaa imaanaya oo maantaba waxaa dekedda Muqdisho ku xiran Markab hub u wada Ciidamada Amisom”ayuu yiri Shiikh Mukhtar Roobow Abuu Mansuur.


Shiikh Maxamed Xasan Camey, Guddoomiyaha Garab ka mid ah Isbaheyisga Xisbul Islaam


Sidoo kalena, waxaa is-fahamka Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya dhexmaray dhexmaray ka hadlay Shiikh Maxamed Xasan Camey oo guddoomiye ka ah garab ka mid ah Xisbul Islaam, wuxuuna sheegay in ay ka doonayaan Dowladda Soomaaliya in ay soo bandhigto qoraalka heshiiskii labada dowladood dhexmaray.

“Cidda lagu tuhmayo in ay iibsatay dhulka Soomaaliyeed waxaan leenahay soo bandhiga qoraalka heshiiskaas, haddii aad soo bandhigi weysaanna waxaa sax ah in aad dhulkaas iibsateen”ayuu yiri Shiikh Maxamed Camey oo sheegay in aaney dadka Soomaaliyeed ka hari doonin dhulkooda.

Shiikh Maxamed Camey waxaa uu sheegay in haddii ay sax noqoto in Badda Soomaaliya laga iibiyay Kenya ay sumcad darro u tahay ciddii ka iibisay, wuxuuna caddeeyay in aaney dadka Soomaaliyeed ogolaan doonin in ay dhulkooda cid kale qaadato.

“Suurtagal ma ahan in iyadoo ay Kenya horay dhul uga heysatay Soomaaliya in haddana dhul kale loogu daro”ayuu hadalkiisa ku sii daray Shiikh Maxamed Xasan Camey oo ku cel celiyay in la soo bandhigo qoraalka heshiiskaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya