Shir looga hadlayo Burcad Badeedda Soomaalida oo ka socda Dalka Shiinaha

Jimco, November 06, 2009(HOL): Dowladda Shiinaha ayaa maanta furtay shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha burcad badeedda Soomaalida iyo sidii loo difaaci lahaa maraakiibta ku socdaala xeebaha Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaandhigga Shiinaha ayaa sheegtay in shirkani ay ka qeybgeli doonaan wakiillo ka socda dalalka Ruushka, Japan, India, Midowga Yurub iyo Wadamada kale ee ay Ciidamada ka joogaan Xeebaha Soomaaliya ee NATO ka tirsan.

“Ajendayaasha waa weyn ee shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah in la meel-mariyo heshiisyo iskaashi ah oo lagu difaacayo maraakiibta isaga kala goosha gacanka cadmeed”sidaas waxaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Shiinaha.

Dowladaha Shiinaha ayaa ciidamo u dirtay Xeebaha Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkan, waxaana hadda xeebaha Soomaaliya ka jooga maraakiib dagaal iyo ciidamo ka qeybqaadanaya howlgalka la dagaalanka burcad badeedka Soomaaliya.

Shirkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa todobaadyo kaddib markii ay Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah qafaasheen Markab dhuxul ay ku raran tahay oo Dalka Shiinaha laga leeyahay, kaasi oo ay saaran yihiin 25 shaqaale ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku sugan Maraakiib iyo Ciidamo badan, kuwaasi oo ka socda dowlado u badan kuwo reer galbeed ah, mana jirto ilaa iyo haatan wax ay ka qabteen af-duubka ay kooxaha burcad badeedka ka geystaan Xeebaha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya