Jimco, May 08, 2009(HOL): Dagaal sababay Dhimashada hal qof ayaa maanta ka dhacay Tuulo ka agdhow Magaalada Afmadow ee Gobolka J/hoose, iyadoo dagaalkaasna uu u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed.
Dagaalkaan oo ka dhacay tuulada lagu magacaabo Kala-Jeex oo u dhaxeysa Tuulada Guduudey ee Gobolka Jubbada Dhexe iyo Magaalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa u dhexeeyay laba beelood oo Xoolo dhaqato ah oo ku wada nool Deegaankaasi.
Isku dhacaan ayaa yimid kadib markii la isku khilaafay waro biyood halkaasi ku yaalla oo ay labada dhinacba sheeganayaan mulkiyadda Waro biyoodkaasi, taasi oo aysan suurto galin in is-fahan lagu dhameeyo markii hore.
C/qaadir Shiikh Maxamed oo ah guddoomiyaha maamulka Islaamiga ah ee magaalada Af-madow ayaa sheegay in ay ciidamo u direen meelihii ay dagaalladu ka dhaceen maanta isla markaasna ay doonayaan in ay waan waan ka dhex sameeyaan beelihii halkaas ku dagaalamay.
Hiiraan Online
Kismaayo, Soomaaliya
Dagaal sababay Dhimasho oo ka dhacay meel u dhow Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose
More News
- Maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo oo fuliyay Xukun Gacan-goyn ah
- Dowladda Soomaaliya iyo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo ka hadlay dagaallo shalay iyo maanta ka dhacayay Magaalada Muqdisho
- Xiisad Colaadeed oo weli ka taagan Xaafadihii ay shalay dagaallada ka dhaceen ee Magaalada Muqdisho
- Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo ugu baaqay Xoogagga Muqaawamada ee ku sugan Muqdisho in ay joojiyaan dagaallada u dhaxeeya
- Horyaalka 3aad ee Kubbad-Xeebeedka Laliska Soomaaliya oo la soo gebagebeeyay
- Ciidamada Spain ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya oo qabtay Rag loo shakisan yahay in ay Burcad Badeed yihiin
- Koobka WANKA oo lagu qaban doono magaalo madaxda Gobalka Hiiraan ee Beledwayne