Arbaco, 6 May 2009 (HOL): Afar qof ayaa dhintay, inta laga war qabana waxa dhaawac soo gaadhay 6 qof oo kale, ka dib markii iska hor-imaad hubaysani uu Magaalada Buuhoodle ku dhex maray laba Kooxood oo kala taageersan laba Nin oo khilaaf ka dhaxeeyay, kuwaas oo la sheegay in ay rasaas isu adeegsadeen.
Sida ay sheegeen Wararka naga soo gaadhay Magaalada Buuhoodle, Iska-horimaadkan ayaa dhashay ka dib markii laba nin oo hubaysani Rasaas isku fureen badhtamaha magaalada Buuhoodle, kuwaas oo ay la kala safteen dad Hubaysani. Inkasta oo aan si dhab ah loo xaqiijin sababta keentay rasmiga ah ee keentay in ay labada Nin markii hore is-dilaan iyo waxay isku khilaafeen toona, haddana, waxa la aaminsan yahay in khilaafkani uu salka ku hayo aano hore.
Wararkani waxay intaa ku dareen oo ay sheegayaan in inkasta oo markii dambe Albaabada loo furay Meherada Magaalada qaarkood, haddana Dhaq-dhaqaaqa Ganacsiga iyo isu-socodka Magaalada Buuhoodle uu hakad galay markii uu iska hor-imaadkani dhacay. Mar aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno Guddoomiyaha Buuhoodle ee Somaliland, ayaanay noo suurtogelin.
Dhinaca kale, Odayaasha iyo Wax-garadka Magaalada ayaa la sheegay in ay bilaabeen dedaallo ay ku doonayaan in lagu xalliyo dhibta dhacday, isla markaana is-af-garad lagu dhammeeyo dhacdadan.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland