Talaado, 12, 2009 (HOL) Warar goor dhaw soo baxay ayaa xaqiijinaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Xoogagga Al-shabaab iyo kooxo ka soo horjeeda uu ka bilawday deegaanka Maxaas ee Goballka Hiiraan.
Waxgarad ku sugan deegaanka Maxaas oo ay HOL xiriir la sameysay ayaa waxaa ay u sheegeen in Xoogagga Al-shabaab oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo ka yimid dhinaca degmada Buula-buurte ee Goballka Hiiraan ay weerar ku soo qaadeen taasoo dhalisay sida Waxgaradku sheegay in dagaalku qarxo.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo ay weydiisay HOL bal haddii uu og-yahay Ciidamo ka tirsan Ururka Ahlusuna Waljameeca oo dagaalka qeyb ka ah, waxaa uu sheegay in uusan arintaas la socon laakiin inta uu og-yahay dagaalku yahay mid dhexmaraya Xoogagga Al-shabaab iyo kooxo ka soo horjeeda oo horay ugu sugnaa deegaanka Maxaas.
Ilaa hadda waxaa la xaqiijinayaa dhimashada 3 Ruux iyada oo dhaawucuna intaa ka badan yahay, waxaa la arkayay gadiidka dagaalka Maamulka Islaamiga ah ee ka jira Goballka Hiiraan oo ku sii jeeda halka dagaalku ka socdo.
Xoogagga Al-shabaab ayaa horay ula wareegay gacan ku heyta degmada Buula-burte ee Goballka Hiiraan, waxaana dagaalka hadda ka socda deegaanka Maxaas uu muujinayaa is ballaarinta ay ka wadaan Xoogagga Al-shabaab Goballka Hiiraan iyadoo ay siyaasad ahaan iska soo horjeedaan Maamullka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan kaasi oo hoostaga Dowladda Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Dagaal deegaanka Maxaas ee Goballka Hiiraan ku dhexmaraya Xoogagga Al-shabaab iyo kooxo ka soo horjeeda
More News
- Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo cambareeyey dagaallada ka socda Muqdisho
- MADAXA SIYAASADDA AL-SHABAAB: “Shacabka Soomaaliyeed waxaan uga digeynaa in Ajnabi lagu tilmaamo Muslimiin u soo gurmaday Soomaaliya”
- Kulan looga hadlayay Arrimaha Soomaalida oo lagu qabtay Dalka BELGIUM
- Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo la wareegay gacan-ku-heynta Degmada Buulo-burte ee Gobollka Hiiraan
- Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in dagaallada ka socda Muqdisho ay wadaan Dad Gobollo kale ka yimid
- Spain oo Burcad Badeed Soomaali ah ku wareejineysa Kenya
- Xabad-joojin aan cago badan ku taagneyn oo ka jirta goobihii ay shalay dagaallada ka dhacayeen ee magaalada Muqdisho
- Dowladda Mareykanka oo cambaareysay Dagaallada ka dhacaya Muqdisho, kuna baaqday in la joojiyo
- Xukuumadda Somaliland oo Kooxdii afraad ee Burcad-Badeed ah ku ridday Xukun kala duwan